Shacabka Waajid oo Taageeray Itoobiya, kana soo horjeestay Masar

|

WAAJID (KAAB TV) – Shacabka magaalada Waajid oo ku taalla gobolka Bakool ee Soomaaliya ayaa si xooggan u muujiyey taageerada ay u hayaan Itoobiya, iyaga oo cambaareeyey waxa ay ku tilmaameen “farogelinta aan loo baahnayn” ee Masar.

Mudaaharaad dadweyne oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiinta maxalliga ah, ayay shacabka Waajid ku ammaaneen taageerada ay Itoobiya siiso, taas oo ay ku jiraan sugidda amniga iyo caawinta dhismaha maamul u gaar ah.

Guddoomiyaha degmada Waajid, Maxamed Macalin Yuusuf, ayaa carrabka ku adkeeyay xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in Itoobiya la qiimeeyo “sida deris, sida walaal iyo sida dawlad.”

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News