Sirdoonka Masar oo mar kale kulan la yeeshay Madasha Samatabixinta, mucaaradka oo jawaab ka dalbaday dhex-dhexaadinta

|

Warar la helayo ayaa sheegaya in xubno ka tirsan sirdoonka Masar ee dhawaan yimid magaalada Muqdisho ay xalay kulan labaad la yeesheen qaar ka mid ah aas-aasayaasha Madasha Samatabixinta, iyagoo kala hadlay dadaallada lagu doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Xubnaha sirdoonka Masar ayaa la sheegay inay kulanka ku soo bandhigeen xog ku saabsan kulan ay la yeesheen , Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ay kala hadleen suurtagalnimada dhex-dhexaadin siyaasadeed, waxaana la sheegay inuu aqbalay qorshahaas, isla markaana uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato dadaallada heshiis lagu raadinayo.

Sida xogta kulanka laga helayo ay tilmaamayso, xubnaha Masar ayaa sidoo kale mucaaradka ka dalbaday inay muujiyaan tanaasul siyaasadeed, si loo helo heshiis ay dhinacyadu ku wada qancaan.

Xubnaha Madasha Samatabixinta ee kulanka ka qeybgalay ayaa la sheegay inay dhinaca sirdoonka Masar ka codsadeen laba maalmood oo ay ku soo qiimeeyaan arrinta, kadibna ay jawaab rasmi ah uga soo celiyaan dhex-dhexaadinta la soo bandhigay.

Madasha ayaa la sheegay inay mudnaanta siinayso xogta iyo natiijooyinka laga filayo kulamada Kampala, halkaas oo la filayo in ay ka dhacaan kulamo siyaasadeed oo ay qeyb ka yihiin madaxda Soomaaliya, siyaasiyiinta mucaaradka iyo diblumaasiyiin reer Galbeed ah.

Dhinacyada mucaaradka ayaa doonaya inay ogaadaan waxa kasoo baxa kulamada Kampala ka hor inta aysan go’aan ka gaarin qorshaha dhex-dhexaadinta ee Masar.

Dadaallada cusub ee Masar ayaa kusoo aadaya xilli ay horey u fashilmeen isku dayo dhex-dhexaadin siyaasadeed oo ay sameeyeen xubno ka tirsan sirdoonka Turkiga, kuwaas oo bilo kahor doonayay inay heshiis ka dhex abuuraan dowladda Federaalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

DHEERAAD:  Xaruntii kaydka hubka ee Al-Shabaab oo duqeyn lagu burburiyay ka dib markii...

Dadaalladaas ayaa la sheegay inay diideen Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo Turkiga ku eedeeyay inuusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana uu si dhow ula shaqeeyo dowladda Federaalka.

Mowqifka labada maamul ayaa caqabad ku noqday dadaalladii Ankara, iyadoo aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo dhinacyadu ku wada qancaan.

Dhex-dhexaadinta cusub ee Masar ayaa sidoo kale dhalinaysa su’aalo ku saabsan sida mucaaradka Soomaaliya ay u arki doonaan doorka Qaahira, maadaama Masar ay xiriir dhow la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageero siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed u muujisay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xogta la helayo ayaa sheegaysa in xubnaha sirdoonka Masar ee Muqdisho jooga ay horey kulamo ula yeesheen siyaasiyiin mucaarad ah, iyagoo isku dayay inay dhisaan kalsooni iyo inay fahmaan mowqifyada dhinacyada isku haya dowladda.

Kulamadan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin dadaallada Masar ay ku doonayso inay door ku yeelato xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo gobolka ay ka socdaan loollan siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed oo u dhexeeya dowlado kala duwan.

Madasha Samatabixinta ayaa la sheegay inay hadda sugayso natiijada kulamada Kampala, kuwaas oo ay rajeynayaan inay caddeeyaan mowqifka dowladda Federaalka iyo suurtagalnimada heshiis siyaasadeed.

Haddii kulamada Kampala ay keenaan tanaasul iyo heshiis la taaban karo, waxaa suuragal ah in dadaallada dhex-dhexaadinta Masar ay helaan fursad cusub.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News