Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka hadlay qorshahooda wixii ka dambeeya 15 May

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo hor jeeda Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta Shir jaraaid ay ku qabteen Caasimadda Muqdisho waxa ay kasoo saareen war-saxaafadeed degdeg ah ay kaga hadleen xiisada kala dhaxeeysa Dowladda kadib wadatashiyo ay la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Banaadir.

Mucaaradku waxay sheegeen in dalka uu galay xaalad siyaasadeed oo hubanti la’aan ah, iyagoo tilmaamay in ay jiraan falal ay ku sifeeyeen barakicin, boob hanti qaran, cabburin dhallinyaro, iyo adeegsiga awood dowladeed oo ka baxsan dastuurka.

Waxay sidoo kale sheegeen in ay la kulmeen odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, warbaahinta iyo bulshada rayidka, ayna si gaar ah ula hadleen dadka danyarta ah ee ay sheegeen in lagu dulmiyey barakicin iyo burburin hanti sida lagu sheegay war saxaafadeedkoodi.

“Waxaan isku raacnay in la badbaadiyo dowladnimada, lana diido wax kasta oo horseedi kara xasarad, colaad iyo burbur. Sidoo kale, waxaan wadatashiyo la yeelannay wakiillada beesha caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Turkiga iyo Qaramada Midoobay.” Sida ay ku sheegeen shirkoodi jaraa’id.

Mucaaradku waxay ku adkeeysteen in ay ka soo horjeedaan muddo xileed kasta oo ay u arkaan in uu ka baxsan yahay dastuurka, ayna diideen wax ay ku tilmaameen doorashooyin aan hufnayn ama aan heshiis lagu ahayn.

“Muddo xileedka dastuuriga ah ee Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ku egyahay 15 May 2026, Wixii maalintaas ka dambeeya, waxaan u aqoonsanaynaa inuu yahay muwaadin caadi ah oo lamid ah shacabka kale. Innagoo kaashaneyna shacabka Soomaaliyeed, Dawlad Goboleedyada sharciga ah iyo xoogagga mucaaradka, waxaan hormuud u noqon doonnaa iska caabin nabad ah, abaabulo dadwayne, wadashiyo qaran, si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuur ah, loona helo dowlad sharciyad leh oo metesha rabitaanka shacabka.” ayay sii raaciyeen Mucaaradka warkoodi.

Sidoo kale, waxay ku baaqeen in si degdeg ah loo qabto doorashooyinka dowlad-goboleedyada dalka si waafaqsan Dastuurkii KMG, War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay barakicinta, burburinta guryaha, iyo xarig ay ku sheegeen mid sharci darro ah oo loo geystay dhallinyaro Soomaaliyeed.

Warka maanta ay soo saaren Mucaradla ayaa sidoo kale lagu sheegay “Waxaan si adag u cambaareyneynaa xariga iyo cabburinta dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan xariga sharci darrada ah ee loo gaystay Sacdiyo Macallin Cali (Sacdiyo Bajaaj), Najiib Cali Cosoble, iyo Sharmarke Maxamed Axmed, Waxaan ku baaqeynaa in si degdeg ah loo sii daayo.”

Waxay sidoo kale ka digeen in hay’adaha amniga loo adeegsado dano siyaasadeed, waxana ay sheegeen in Ciidanka Qaranku yahay hay’ad qaran ee uusan ahayn aalad siyaasadeed.

Halkaan Hoose ka Akhriso war saxaafadeedka ay soo saareen Mucaaradka.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo ka hadlay qorshahooda wixii ka dambeeya 15 May

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News