Addis Ababa (Kaab TV) -Wufuud ka kala socotay Somaliland iyo ganacsato Israa’iili ah ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ku yeeshay kulan diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga ganacsiga iyo maalgashi ee labada dhinac, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland.
Kulanka ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland, Cabdiraxmaan Xasan Nuur, halka dhinaca Israa’iil ay ka qayb galeen wakiillo ganacsi iyo diblomaasiyiin ka socday dowladda Israa’iil. Wadahadallada ayaa lagu sheegay kuwo lagu lafagurayay fursadaha iskaashi ee dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay horumarinta iskaashiga qaybaha beeraha, tamarta, tiknoolajiyadda, kaabeyaasha dhaqaalaha, adeegyada maaliyadda iyo caafimaadka, kuwaasi oo loo arko in ay yihiin meelaha ugu muhiimsan ee ay labada dhinac iska kaashan karaan.
Wafdiga Somaliland ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Cabdinasiir Axmed Xirsi, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caymiska Cabdisalaan Maxamed Maxamuud (Buusi), iyo xubno ka socday ganacsatada Somaliland oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Aydiid Ibraahim.
Kulankan ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Safiirka Somaliland u fadhiya Israa’iil Dr. Maxamed Xaaji, iyadoo la sheegay in ujeeddadiisu ahayd in la abuuro xidhiidh ganacsi iyo maalgashi oo muddo dheer ah oo dhex mara Somaliland iyo shirkadaha Israa’iiliyiinta ah.
Dhinaca Israa’iil waxaa kulanka ka qayb galay Ku-xigeenka Safiirka Israa’iil u fadhiya Itoobiya iyo diblomaasiyiin kale, halka Safiirka Israa’iil ee Somaliland, Michael Lotem, uu si muuqaal fog ah uga qayb galay shirka.
Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland ayaa sheegtay in wada-hadalladani ay qeyb ka yihiin dadaallada Somaliland ay ku doonayso inay kusoo jiidato maalgashi shisheeye iyo iskaashi dhaqaale oo caalami ah, iyadoo la rajaynayo in kulamadan ay horseedi doonaan heshiisyo ganacsi iyo maalgashi oo mustaqbalka dhaw la hirgeliyo.

