Hargeisa (KAAB TV)- Somaliland ayaa ugu baaqday hay’adaha xuquuqul insaanka iyo safaaradaha Muqdisho ku yaala inay baaritaan ku sameeyaan xariga iyo sida loola dhaqmay dhalinyaradii lagu eedeeyay dilka Cabdinaasir Dahable oo ahaa khabiir dhanka duulista ah oo dilkiisa uu dhaliyay muran weyn.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed oo loo yaqaan Cali Mareexaan, ayaa Isniintii sheegay in Eedaysanayaasha lagu xidhay shuruudo adag. Dhowr tuhmane ayaa la xiray wax yar ka dib dhimashadii Dahable bishii Febraayo 2024, iyadoo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dilkiisa.
“Dhallinyarada ku xiran Muqdisho ee ku eedeysan dilka Dahable, waxaa loo geystay jirdil iyo eedeymo been abuur ah” ayuu yiri Cali Mareexaan.
Dahable, oo ahaa khabiir dhinaca duulista ah, ayaa maydkiisa la helay bishii February ee sannadkii 2024-kii. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa horay dowladda Soomaaliya ugu eedeeyay inay ka gaabisay sugidda ammaanka shirkadda Dahabshiil.
Baaritaan uu maamulka Somaliland ku sameeyay meydka marxuumka ayaa lagu sheegay in Dahable loo geystay jir dil ka hor inta uusan dhiman, taasoo sii xoojisay codsiga cadaaladda iyo hufnaanta ee baaritaanka. Dowladda Soomaaliya, ayaa lagu dhaliilay qaabka ay u maareyso kiiska, iyadoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo musuq maasuq.
Dilka ka dib, Somaliland waxay ku boorisay muwaadiniinteeda Muqdisho ku sugan inay isaga guuraan sababo dhinaca ammaanka ah ka dib markii la xidhay tuhmanayaasha.
Horaantii bishii May, dowladda Soomaaliya ayaa xabsiga ka sii deysay toban eedeysane oo horay ugu xirnaa dilka Wariye Dahable, kadib markii baaritaanno dhanka dambi baarista ah oo ay gacan ka siiyeen khubaro Turki ah, lagu waayay wax caddeymo ah oo dembigaas la xiriirinaya.
Jamhuuriyadda la baxday Somaliland, ayaa dawladda Somaliya ku dhaliishay qaabka ay u maarayso dacwadda, iyadoo eedaymo la xidhiidha xil-gudasho la’aan iyo musuqmaasuq. “Dowladda Soomaaliya way ka labalabaysaa in la sii daayo ama la maxkamadeeyo eedaysanaha, iyadoo ka baqaysa in ay fashilanto oo ay jir-dil u geysato,” ayuu yiri Cali Mareexaan.
Mareexaan ayaa ku booriyay safaaradaha shisheeye iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku sugan magaalada Muqdisho in ay baaritaan ku sameeyaan xaaladda dhalinyarada xiran, isla markaana loo maro hab cadaalad ah oo hufan.

