Jerry Lamon Falwell Jr. (Sawirka 1aad ninka bidix ka taagan Trump) waa hoggaamiyaha ruuxiga ee Jaamacadda Liberty ee dalka Mareykanka, waana guddoomiyihii Jaamacadda (kahor intuusan isu casilin fadeexad galmo la xiriirta).
Jaamacaddu waa “goobta xajka camal” ay u tagaan murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga, sida uu ku tilmaamay Wargeyska Washington Post. Wargeyska kale ee Wall Street Journal ayaa isaguna ku sifeeyay jaamacaddan “saldhig diimeed oo caqiidada kirishtanka mayalka adag” raacda. Marka lasoo koobo Liberty University waa jaamacad hoy u ah isbahaysato diineed oo xagjir ah, oo aragtida tooda inay meelmariyaan u jeeda, wallow ay warbaahintu baartay soona ogaatay in Jaamacaddan iyo dhaqan diineed ay kala fog yihiin, oo xitaa xubnaha ugu sarreeya ay ahaayeen kuwo musuq iyo qaraabo-kiil ku dhaqma.
26 Jannaayo 2016, Jerry Falwell Jr., ayaa ku dhawaaqay fatwo uu ku taageerayo musharraxnimada Donald Trump ee xilka madaxweyne Mareykanka. Caadiyan in wadaadada kirishtanka ay taageeraan musharrax madaxweyne micne weyn ayay u leedahay dadka xagga kirishtaanka xagjirka ku ah ee codadka bixiya xilliga doorashada.
Go’aanka Jerry Falwell Jr. wuxuu ahaa mid dad badan ka yaabiyay. Waa mar e, Jaamacaddu waa xarun waxbarasho oo aan looga baran ku milanka siyaasadda iyo isheysadka siyaasiyiinta; waa markale e dhaqamada iyo hadallada Trump waxay ahaayeen kuwo ka fog habka nidaam dimuqraadi ah iyo isu soo dhoweynta bulshada oo dal sida Ameerika ah uu ku faano.
Jerry Falwell Jr. isaga iyo jaamacadiisa waxay dhaqaale ahaan iyo galaangal kalaba ka faa’ideysan jireen siyaasiyiinta Jamhuuriga. Dhaqaale kaliyase ma ahayn waxa isku xirayey labada dhinac ee caqiidada ayay ka mideysnaayeen heer ay gaartay in xubno ka tirsan Jaamacadda ay dadweynaha u sheegaan in Trump uu yahay “nin Illaahay soo diray” ama “ay jirto ruuxaan xag Alle ka timid oo la shaqeysa Trump”, sida kusoo baxday filimka “The Trump Prophecy” ee 2018 ee uu soo saaray Zaki Gordon oo ahaa xubnaha sare ee xarunta Farshaxanka Filimada ee Jaamacadda Liberty.
Isla filimkaan ayuu ahaa midkii ay ku jirtay hadal laga soo qaatay sarkaal waaxda dab-demiska ka hawl-gabay oo reer Florida ah oo sheegay in Illaahay u 2011-kii “isaga waxyi ugu sheegay in Trump uu maalin uun madaxweyne noqon doono”. (Illaahay ayaa xumaan iyo been abuurasho ka fog). Bal la yaab halkay iska soo galaan sarkaal dab-demiska ka shaqeeya iyo fatwo diineed oo heerkaas gaarsiisan.
Wadaadada Soomaaliya (Sawirka 2aad)
Laga soo bilaabo 1960kii illaa hadda, waxaa jira wadaado ku hoos naban qofka markaas xukunka jooga. Wadaadadaan waxay nidaamka kula joogaan inay u fatwoodaan marka loo baahdo, oo shaabadda diinta ugu dhuftaan siyaasiga xukunka jooga waxa uu doonaayo- xitaa hadday yihiin wax diinta iyo dhaqanka ka hor imaanaya.
Wadaadada iyaguna waxay xukunka ku qabaan xoogaa gunno, guryo iyo dhul la siiyo (hadda hoteello ayaa la dejiyaa), carruurtooda oo dowladda laga shaqaaleysiiyo, qoysaskooda oo viso dibadda lala dhameeyo iwm. Waa dad diinta iyo kitaabka Alle ugu shaqeysta sida ay naftooda iyo hawadooda u sheegto.
Siyaasiyiinta kama maarmaan wadaadada si aaminaadda dadka wax lagu marsiiyo loo helo. Dadka Soomaalida sida kaliya ee arrin lagu marsiin karo waa in shaati diineed loo huwiyaa – xitaa hadday tahay arrin aan diin raad ku lahayn. Tusaale, markii la sameeyay Dastuurkii uu Talyaanigu sameeyay ee Soomaaliya 1959kii, waxaa la isku qabtay da’da madaxweynaha in ay noqoto 36 sano ama 40 sano noqoto.
Sida uu qoray Prof. Maxamed Ciise Trunji oo ka hadlaayay arrintan wuxuu sheegay in markii Dastuurka la geeyay Baarlamaankii Daakhiliga dood adag ay ka dhacday, markii danbana lagu marsiiyay in da’da 40 jirka ay tahay mid diineed “waayo Nabiga SCW ayay risaalada ku soo dagtay isagoo 40 jir ah”. Hadde ogow da’da waa arrin farsamo ee ma ahan waajib iyo sunne midna.
Dhacdada kooxda Liberty University ee Mareykanka wax weyn kama duwana fatwadii Isniintii wadaaddu ku bixiyeen in la faago qubuuraha Muslimiinta afartameeyo sano kahor dhintay. Iyadoo la og yahay in faagista qubuuraha Muslimiinta ay tahay arrin reebban oo diintu meel adag ka istaagtay, ayaa haddana la heley wadaad ku dhawaaqa oo shaabada diinta ku dhufta.
Ama Soomaaliya ha ahaato ama meel kale, marka hoggaamiyeyaasha diintu ay noqdaan kuwo Kitaabka ku xamaasha, oo dantooda shakhsiga ka hormariya daryeelka dadweynaha, waxay wiiqaysaa kalsoonida culimada lagu qabi doono.
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin