Muqdisho (KAAB TV) – Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uga hadashay xaaladda Yemen iyo gobolka Geeska Afrika iyadoo ku hadleysay magaca waddamada la isku yiraahdo A3+ (Aljeeriya, Guyana, Sierra Leone, iyo Soomaaliya).
Wakiilka Soomaaliya ayaa warbixin ka horjeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo warbixintu muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda Yemen iyo colaadaha ka taagan gobolka.
Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah uga digtay isku dhacyada cusub ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Israa’iil, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay khatar ku yihiin nabadda caalamka, isla markaana si toos ah ula xiriira dagaalka aan xal loo helin ee ka socda Marinka Qaza.
A3+ waxay si adag u cambaareeyeen jebinta sharciga caalamiga ah, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka in la gaaro xabbad-joojin degdeg ah oo waarta si wax looga qabto dhibaatada Falastiiniyiinta iyo looga hortago fidinta colaadda gobolka.
Garab istaag dadaallada lagu xaqiijinayo xasilooni iyo wada-hadal
Waxay taageereen dadaallada diblomaasiyadeed ee ay hoggaaminayaan Mareykanka, Masar, iyo Qatar si loo sugo xabbad-joojin rasmi ah oo Qaza laga hirgeliyo, waxayna Golaha Ammaanka ugu baaqeen inuu garab istaago dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilooni iyo wada-hadal miro dhal leh.
Sidoo kale, A3+ waxay cambaareeyeen weerarradii Xuutiyiintu la beegsadeen maraakiib ganacsi oo ka shaqeynayay Badda Cas, kuwaas oo ay ku sheegeen inay halis ku yihiin ganacsiga caalamka.
Duqeymihii Israa’iil ka geysatay gobolka Hudaydah 6–7-dii Luulyo ayaa sidoo kale si adag loo dhaliilay, iyadoo loo arkay khatar weyn oo lagu gumaadi karo shacabka rayidka ah, loogana dhaxli karo fidinta colaado hor leh.
Dalalka A3+ waxay carrabka ku adkeeyeen in dhammaan dhinacyada isku haya Yemen ay ku waajibtahay inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, islamarkaana laga fogaado militareynta goobaha ay dadku ku badan yihiin.
Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay walaac weyn oo laga qabo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Yemen, iyadoo la sheegay in cudurrada sida duumada, dengue, iyo shuban biyoodka ay ku furmeen dadka, taasoo cadaadis hor leh saartay nidaamka caafimaadka.
Soomaaliya waxay taageertay baaqa hay’adda Qaramada Midoobay ee isku dubaridka gargaarka ee OCHA taasoo soo jeedisay in si degdeg ah loo gaaro Yemen lana fududeeyo marin u helka gargaarka.
Xaaladda Yemen waxay haatan wajahaysaa meel adag iyadoo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu daran caalamka ay dadkeedu wajahayaan, taasoo ay sabab u tahay dagaal sokeeye oo daba dheeraaday, burbur dhaqaale, iyo masiibooyin cimilo oo soo noqnoqda.
In ka badan 21 milyan oo qof—kuwaasoo ah in ka badan kala bar dadka dalkaas ku nool—ayaa si degdeg ah ugu baahan gargaar bini’aadantinimo. Colaadda ayaa sababtay barakac baahsan, iyadoo in ka badan 4.5 milyan oo qof ay barakaceen tan iyo sanadkii 2015.
Nidaamka daryeelka caafimaadka ayaa si daran u liita, iyadoo xarumo badan la burburiyay ama la xiray, waxaana jira baahi weyn oo dhanka daawooyinka muhiimka ah iyo shaqaale xirfad leh.
Nafaqo-darro iyo cunto la’aan ayaa sidoo kale si weyn u baahsan, iyadoo malaayiin carruur ah iyo haween uur leh ay u baahan yihiin daaweyn.
1.2 milyan oo dad ah oo halis wajahaya
Tom Fletcher, oo ah madaxa gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee Yemen ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u sheegay in dhibaatada amni-darro ee cuntada ee dalka ugu saboolsan Carabta, oo weli ku jira dagaal sokeeye, ay si xowli ah u sii korodhay tan iyo dhammaadkii 2023.
Wuxuu ka digay in tirada dadka gaajada la ildaran ay kor ugu kici karto in ka badan 18 milyan marka la gaaro bisha Sebtembar, sidoo kalena tirada carruurta la daalaa dhacaysa nafaqo-darro daran ay gaari karto 1.2 milyan bilowga sanadka soo socda, “taas oo halis ugu jirta inay keento dhaawac joogto ah oo dhanka jirka iyo garaadka ah.”
Sida ay sheegeen khuburada soo saara Heerka Isu-dubbarididda Ammaanka Cuntada (Integrated Food Security Phase Classification), oo ah hay’ad caalami ah oo qiimeysa heerarka gaajada, in ka badan 17,000 oo Yemeni ah ayaa ku jira saddexda heer ee ugu liita ee cunto yari — xaalad musiibo ah ama ka daran.
Fletcher wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay aysan arkin heerkan dhibaato tan iyo kahor xabbad-joojin ay Qaramada Midoobay dhexdhexaadisay horraantii 2022. Wuxuu xusay in tan ay ku soo beegantay iyadoo deeqaha caalamiga ah ee gargaarka bini’aadantinimo ay si xowli ah u sii yaraanayaan, taasoo keentay hoos u dhac ama joojinta cunto bixinta.
Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, bartamihii bishii May, dalabka gargaar bini’aadantinimo ee Yemen ee sanadkan oo lagu qiimeeyay $2.5 bilyan ayaa helay kaliya $222 milyan—taas oo ah 9% oo kaliya.
Yemen waxay gashay dagaal sokeeye tan iyo 2014, markaas oo fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iiraan taageerto ay qabsadeen caasimadda Sanca, taasoo ku qasbeysay dowladda caalamku aqoonsan yahay inay magangelyo ka raadsato Sacuudiga.
Isbaheysi uu hogaaminayo Sacuudigu ayaa farageliyay bilo kadib, wuxuuna dagaal kula jiray Xuutiyiinta tan iyo 2015 si dib loogu soo celiyo dowladda.
Dagaalku wuxuu burburiyay Yemen, wuxuuna sababay mid ka mid ah masiibooyinka bini’aadantinimo ee ugu xun caalamka, isaga oo isu beddelay dagaal xagga awoodaha shisheeye ah. In ka badan 150,000 oo qof, oo ay ku jiraan dagaalyahanno iyo rayid, ayaa la dilay.
Hans Grundberg, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, ayaa Golaha u sheegay fiidiyow ahaan in laba weerar oo Xuutiyiintu ku qaadeen maraakiib ganacsi oo marayay Badda Cas toddobaadkan — kuwaas oo ah kuwii ugu horreeyay muddo toddobo bilood ah — iyo duqeymo cirka oo Israa’iil ka geysay caasimadda iyo dekedaha muhiimka ah ay sii hurinayaan colaadda.

