Mogadishu (KAAB TV) – La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa xaqiijiyay in Ciidamo cusub oo ka socda dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda, iyo Burundi ay imaan doonaan Soomaaliya, kaddib marka ay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ka baxaan Soomaaliya dhammaadka bisha December 2024-ka.
Intii lagu guda jiray munaasabad ka dhacday barta Twitter-ka La-taliyaha Amniga wuxuu ku nuux-nuuxsaday in ciidamada Itoobiya aysan ka mid noqon doonin ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala gudaha dalka marka uu dhammaado howlgalka ATMIS-ka.
Soomaaliya ayaa hadda wada-hadallo kula jirta saaxiibada caalamka oo ku saabsan in dalka la geeyo ciidamo caalami ah muddo hal sano ah, kuwaasoo billaabanaya bisha Janaayo 2025. Si kastaba ha ahaatee, magaca howlgalka cusub iyo tirada saxda ah ee ciidamada ayaan weli la dhameystirin.
Xiriirka diblumaasiyadeed ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa aad u xumaaday tan iyo 1-dii bishii Janaayo markaasoo Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la saxiixatay maamulka Somaliland. Heshiisku waxa uu u ogolaanayaa Itoobiya in ay galaan badda iyo saldhig milatari si ay Somaliland u hesho aqoonsi.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku gacan seyrtay heshiiskaas, waxayna bishii April dalkeeda ka eriday safiirkii Itoobiya u fadhiyay Soomaaliya Muqtaar Maxamed, waxayna amar ku bixisay in la xiro qunsuliyada Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland.

