Soomaaliya oo xudun u noqotay khilaafka Uganda iyo Turkiga

|

Soomaaliya ayaa la sheegay inay xudun u noqotay khilaaf sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Uganda iyo Turkiga, kadib markii Kampala ay hakisay iskaashigii militari iyo difaac ee ay la lahayd Ankara.

Warbixin ay baahisay warbaahinta Middle East Eye ayaa sheegtay in khilaafka labada dal uusan ku koobnayn oo keliya arrinta Fred Lumbuye, oo ah nin mucaarad ku ah dowladda Madaxweyne Yoweri Museveni, balse uu sidoo kale la xiriiri karo mustaqbalka ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Ilo ay soo xigatay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in Uganda ay soo afjarto joogitaankeeda militari ee Soomaaliya, iyadoo awoodda ciidamada Soomaaliyeed ay sii kordheyso, gaar ahaan ciidamada uu Turkigu tababaray ama taageeray.

“Arrintan oo dhan waxay la xiriirtaa joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya,” ayuu mid ka mid ah ilahaas u sheegay Middle East Eye.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya iyo dowladda Uganda si rasmi ah uma aysan xaqiijin in Muqdisho ay Kampala ka dalbatay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Uganda ayaa muddo dheer kamid ahayd dalalka sida weyn uga qeyb qaatay howlgalada amniga Soomaaliya. Ciidamo Ugandhees ah ayaa hadda ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, halka qaar kalena ay Soomaaliya ku joogaan heshiisyo laba geesood ah oo kala dhexeeya dowladda Soomaaliya.

Warbixinta Middle East Eye ayaa sidoo kale sheegtay in Uganda ay sanad kasta waayi karto malaayiin dollar haddii ciidamadeeda laga saaro Soomaaliya.

Ilo ay warbaahintu soo xigatay ayaa qiyaasay in khasaaraha dhaqaale uu u dhexeeyo 60 milyan ilaa 72 milyan oo dollar sanadkii.

DHEERAAD:  Tirada dadka ku dhintay fatahaadda Nepal oo gaartay ugu yaraan 100.

Hase yeeshee, tiradaas si rasmi ah uma aysan xaqiijin dowladaha Uganda iyo Soomaaliya ama Midowga Afrika.

Uganda waxay kamid ahayd dalalkii ugu horreeyay ee ciidamo u dira Soomaaliya sanadkii 2007, waxaana ciidamadeedu muddo ku dhow labaatan sano door muuqda ku lahaayeen howlgallada Midowga Afrika iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dhanka kale, Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn u ballaariyay taageerada uu Soomaaliya ka siiyo dhinacyada difaaca iyo amniga.

Ankara waxay Muqdisho ku leedahay xarunta tababarka ciidamada ee TURKSOM, halkaas oo lagu tababaray kumannaan askari oo Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ka taageera tababarka iyo qalabeynta ciidamada, iyadoo iskaashiga labada dal ee dhinaca difaaca uu noqday mid muhiim u ah qorshayaasha amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa door ka qaatay howlgallada ciidamada Soomaaliya ay ka wadaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Khilaafka cusub ee u dhexeeya Kampala iyo Ankara ayaa sidaas darteed kusoo beegmaya xilli Soomaaliya ay dib u habeyn ku sameyneyso ciidamadeeda iyo qaab-dhismeedka howlgalada amniga, taasoo sare u qaadaysa muhiimadda mustaqbalka ciidamada shisheeye ee ku sugan dalka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News