Taliye xigeenkii ciidanka boliiska Zakiya Xuseen oo xilka laga qaaday & Cabdalla Cabdalla oo loo magacaabay Taliye xigeenka boliiska

|

Muqdisho (KAAB TV) – Taliye ku xigeenkii labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Jeneraal Zakiya Xuseen Axmed ayaa xilka laga sida ay ku sheegtay qoraal dheer oo ay ku daabacday barteeda facebook.

Sidoo kale, Zakiya Xuseen ayaa waxaa lagu badelay Cabdalla Cabdalla oo mar soo noqday taliye kuxigeenkii hay’adda Nisa.

“Rabbigii fursad ii siiyay in intaas oo madax ah aan la soo shaqeeyo, intaas oo mashaariic aan hirgeliyo oo hada i fasaxay anigoo eed la ii heysan ayaa mahad oo dhan leh,” ayey ku tiri qoraalkeeda Jeneraal Zakiya Xuseen.

Dhanka kale, waxa ay sheegtay in boliiska ay kusoo biirtay xili adag balse maanta meesha lajoogo ay tahay meel ka sareyso meeshii hore, iyadoona xustay in ay nasiib uyeelatay in lasoo shaqeysay madaxweynayaal, Raisul Wasaarayaal, Wasiiro ammni iyo Taliyeyaal ciidan.

Ugudambey, Zakiya ayaa sheegtay in hada wixii ka dambeeyo ay diyaar utahay in ay uqidmeyso Qaranka islamarkaana ay diyaar utahay shaqo kasto oo loodiro.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News