Yaaqshiid : Rasaas iyo Bannaanbax Ka Dhacay Tookiyo +Sawiiro

|

Xaalad kacsanaan ah ayaa saaka ka taagan xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid, gobolka Banaadir, kaddib markii ciidamo iyo cagafyo ay aroor hore ka bilaabeen burburinta guryo ku yaalla , taas oo ay si weyn uga hor yimaadeen dadka deegaanka.

Howlgalka burburinta ayaa sababay in qaar ka mid ah shacabka ay guryahooda ka barakacaan, halka kuwo kalena ay isku dayayaan inay ka hortagaan burburinta, iyagoo ku doodaya inay leeyihiin dhulka iyo guryaha laga duminayo.

Sida ay sheegayaan dadka halkaas ku nool , burburinta ayaa ka bilaabatay xaafadda Tookiyo xilli aroor hore ah, iyadoo goobta la geeyay ciidamo badan iyo cagafyo.

Dadka qaar ayaa sheegay in ciidamo badan lagu daadiyay xaafadda habeenkii ka horreeyay burburinta, taas oo dadka ku abuurtay cabsi iyo walaac.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in guryo la dumiyay xilli ay dadku weli ku jireen, inkastoo faahfaahinta dhacdadan aysan weli si madax-bannaan u xaqiijin.

Waxaa la sheegay in dadka ku nool xaafadda muddooyinkii lasoo dhaafay loo sheegay inay ka guuraan dhulka, iyadoo dhinaca kale dadka deegaanka ay ku doodayaan inay guryahooda iyo dhulkooda siyaabo kala duwan ku heleen.

Wararka laga helayo xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in dhulka uu muranku ka taagan yahay lagu tilmaamay dhul dowladeed, taas oo sababtay in maamulka ay doonayaan in laga saaro dadka degan.

Dadka xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ayaa qaba in guryahooda aan lagu burburin karin si xoog ah, waxayna dalbanayaan in marka hore la helo xal sharci iyo mid wadahadal ah.

DHEERAAD:  Tiro hoobiyeyaal ah oo lagu garaacay degmada Wadajir

Arrinta ayaa muddo ka dhex taagnayd dadka deegaanka iyo dhinacyada gacanta ku haya howlaha dhulka, waxaana burburinta saaka ka bilaabatay kadib markii khilaafkii uu gaaray heer aad u kacsan.

Intii ay socotay burburinta iyo iska horimaadka, waxaa soo baxay warar sheegaya in booliiska Soomaaliya ay toogteen wiil dhalinyaro ah.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen, wiilka ayaa lagu toogtay xaafadda Tookiyo, gaar ahaan Laanta Heegan, waxaana la sheegay inuu isla goobta ku geeriyooday.

Waxaa sidoo kale la soo sheegay dhaawacyo kale oo soo gaaray dad rayid ah, kuwaas oo qaarkood loo qaaday xarumaha caafimaadka si loogu dabiibo.

Dadka laga barakiciyay guryahooda ayaa markii dambe bilaabay bannaanbax ay kaga soo horjeedaan burburinta guryaha.

Wararka laga helayo xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shacabka ay xireen waddada dheer ee isku xirta isgoysyada Sanca iyo Fagax, iyagoo dalbanaya in la joojiyo burburinta iyo in wax laga qabto cabashadooda.

May be an image of one or more people and fire

Bannaanbaxa ayaa sababay in dhaq-dhaqaaqa waddada uu hakad galo, waxaana goobta lagu arkayay dad badan oo ka cabanaya guryahooda oo la dumiyay iyo barakaca ay wajahaan.

Xaaladda ayaa kasii dartay markii la sheegay in rasaas lagu kala eryay dadka bannaanbaxa dhigay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in rasaasta ay sababtay khasaare kala duwan, oo ay ku jiraan dhaawacyo, iyadoo qaar ka mid ah dhaawacyada loo qaaday xarumaha caafimaadka.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in ciidamo ay dhaawacyo soo gaareen, balse tirada iyo xaaladda askarta dhaawacantay weli si rasmi ah looma xaqiijin.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in haddii rabshaduhu sii socdaan ay khasaaraha sii kordhi karaan.

DHEERAAD:  DFS oo sheegtay in aan la beegsan doonin mas’uuliyiinta Koofur Galbeed iyo wararkii u dambeeyay

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya xaalad kacsan oo ka jirta deegaanka, iyadoo dad badan ay isugu soo baxeen waddooyinka.

Waxaa sidoo kale la arkayay carruur iyo dhalinyaro ku dhex jira goobaha ay rabshaduhu ka socdaan, arrintaas oo walaac gaar ah laga muujinayo maadaama ay jirto khatar ka dhalan karta rasaasta iyo iska horimaadka.

May be an image of one or more people and fire

Warar soo baxay saacadaha dambe ayaa sheegaya in diyaarado dagaal oo loo aqoonsaday F-16 ay dul heehaabayeen goobta bannaanbaxa ee Muqdisho.

Dhacdadan ayaa walaac ka abuurtay qaybo badan oo magaalada Muqdisho ah, iyadoo shacabka ay ka cabsi qabaan in khilaafka dhulka uu isu beddelo rabshado ballaaran.

Dadka Muqdisho ayaa sidoo kale si weyn ula socda xaaladda, maadaama waddada Sanca iyo Fagax ay ka mid tahay waddooyinka muhiimka ah ee isku xira qeybo kala duwan oo magaalada ah.

Ganacsatada, darawallada iyo dadka isticmaala waddada ayaa wajahaya cabsi iyo jahawareer haddii bannaanbaxu sii socdo ama xaaladda amni ay kasii darto.

May be an image of fire

Xaaladda xaafadda Tookiyo ayaa weli ah mid xasaasi ah, iyadoo shacabka iyo masuuliyiintu ay sugayaan xog rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhacdooyinka saaka iyo waxa laga yeelayo guryaha la burburiyay.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News