Towfiiq oo laga reebay liiska doorashada Galmudug? Eedeymo culus oo soo baxay

|

Xiisadda siyaasadeed ee ku saabsan doorashada Galmudug ayaa mar kale cirka isku shareertay, kaddib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira sida loo maareynayo doorashada ku-celiska ah ee Galmudug iyo xiriirka ka dhexeeya siyaasadda Galmudug iyo tan Hirshabeelle.

Xog siyaasadeed oo la faafiyay ayaa sheegaysa in ka reebista Xisbiga Towfiiq ee doorashada Galmudug iyo in Madaxweyne Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen loo guddoonsiiyo kaarka musharraxnimada JSP ay ahaayeen laba arrimood oo isku xirnaa, iyadoo la sheegay in arrintaas ay qeyb ka ahayd heshiis siyaasadeed oo dhexmaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin awood ku leh Galmudug.

Doorashada Galmudug waxay gashay marxalad cusub kaddib markii Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ay 24-kii Agoosto 2026 laashay natiijadii doorashadii hore ee Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka Galmudug.

Maxkamaddu waxay sheegtay in habkii loo maamulay doorashadii 30-kii Luulyo uu ka leexday mabaadi’da dastuuriga ah ee doorasho xor iyo xalaal ah, waxayna amartay in doorashada dib loo qabto.

Go’aanka Maxkamadda Sare wuxuu yimid kaddib dacwad uu gudbiyay Xisbiga Towfiiq, oo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Towfiiq ayaa horey uga horyimid natiijadii Guddiga Doorashooyinka, isagoo sheegay in codadkii uu helay aan si sax ah loogu darin natiijada rasmiga ah.

Guddiga Doorashooyinka ayaa markii dambe aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare, waxaana la diyaariyay doorasho cusub oo la qorsheeyay in la qabto 30-ka Sebtembar 2026.

Xisbiga Towfiiq iyo hoggaamiyihiisa Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kamid ahaa dhinacyada ugu weyn ee kasoo horjeeday natiijadii doorashadii hore.

DHEERAAD:  5,435 muhaajiriin Soomaali ah oo sanadkan tahriib ku galay qaaradda Yurub

Natiijadii la shaaciyay 3-dii Agoosto ayaa Towfiiq siisay 12 kursi oo ka tirsan Golaha Wakiillada Galmudug, halka JSP uu helay 63 kursi.

Towfiiq ayaa ku dooday in tirada codadka uu helay ay ka badnayd natiijada lagu dhawaaqay, waxaana xisbigu sheegay in wakiilladiisa ay hayeen natiijooyin ka duwan kuwii guddigu shaaciyay.

Dacwadda Towfiiq waxay ugu dambeyn gaartay Maxkamadda Sare, taas oo burisay natiijadii doorashada oo dhan.

Arrintan ayaa Sheekh Shaakir iyo taageerayaashiisa siisay fursad ay mar kale uga qayb qaataan doorashada cusub, balse hadda waxaa soo baxay eedeymo sheegaya in laga yaabo in xaaladdu is beddeshay.

Xogta hadda la faafiyay ayaa sheegaysa in Towfiiq laga reebay liiska ururrada siyaasadeed ee ka qaybgalaya doorashada ku-celiska ah.

Haddii xogtaas si rasmi ah loo xaqiijiyo, waxay noqon doontaa arrin aad u weyn, maadaama Towfiiq uu ahaa ururkii dacwadda geeyay Maxkamadda Sare ee keentay in doorashadii hore la buriyo.

Laakiin illaa hadda, ilo madax-bannaan oo lagu kalsoonaan karo ma aysan xaqiijin sababta Towfiiq looga reebay ama in ururka si rasmi ah looga mamnuucay doorashada cusub.

Qodobka ugu xasaasisan ee xogta cusub ayaa ah sheegashada ah in Mahad Salaad iyo Xamse, oo lagu eedeeyay inay cadaadis ku hayeen dowladda federaalka arrimaha doorashada Galmudug, ay Xasan Sheekh ku qasbeen inuu Cali Guudlaawe siiyo kaarka musharraxnimada JSP.

Sida xogtan lagu sheegay, heshiiska ayaa ahaa in Cali Guudlaawe loo aqoonsado musharraxa JSP ee Hirshabeelle, iyadoo dhinaca kale laga shaqeynayo in doorashada Galmudug loo sii daayo.

Waxaa kale oo la sheegay in heshiiska qeyb ka ahayd in Sheekh Shaakir laga hor istaago inuu ka qayb galo doorashada Galmudug.

DHEERAAD:  Dhismayaasha Ergada Liibiya ee Qaramada Midoobay oo albaabada loo laabay + sababta keentay

Dhinaca Hirshabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen ayaa loo aqoonsaday musharraxa JSP ee hoggaanka Hirshabeelle, arrintaas oo siyaasadda maamulka ku yeelatay saameyn weyn.

Taageerada xisbiga ee Guudlaawe waxay kusoo beegmaysaa xilli Hirshabeelle ay wajahaysay muran siyaasadeed oo xooggan, gaar ahaan gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka Hiiraan ayaa horay u muujiyay diidmo ku saabsan in Guudlaawe mar kale loo doorto Madaxweynaha Hirshabeelle, halka dhinacyo kale ay taageersan yihiin sii wadidda geeddi-socodka doorashada.

Haddii la eego labada xaaladood, waxaa muuqata in doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle ay isku mar noqdeen labo kamid ah arrimaha ugu xasaasisan siyaasadda Soomaaliya.

Galmudug waxaa lagu wadaa doorasho ku-celis ah 30-ka Sebtembar, halka Hirshabeelle isla maalintaas ay u socoto doorashadeeda.

Labada doorasho waxay sidoo kale si dhow ula xiriiraan loollanka xisbiyada siyaasadeed iyo saameynta dowladda federaalka ku leedahay siyaasadda dowlad-goboleedyada.

Taasi waxay keentay in tallaabo kasta oo laga qaado mid kamid ah labada doorasho loo fasiran karo inay saameyn ku leedahay tan kale.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda wajahaya dood siyaasadeed oo culus oo ku saabsan sida dowladda federaalka uga dhex muuqato doorashooyinka maamul-goboleedyada.

Dhinac waxaa yaalla taageerayaasha Cali Guudlaawe iyo JSP oo doonaya in geeddi-socodka Hirshabeelle uu sii socdo, halka dhinaca kale ay jiraan siyaasiyiin iyo kooxo Galmudug ah oo doonaya in doorashada Galmudug lagu qabto hannaan ay u arkaan mid caddaalad ah.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kamid ah siyaasiyiinta Galmudug ee leh taageero muuqata, gaar ahaan kadib markii Towfiiq uu noqday urur siyaasadeed si weyn uga dhex muuqday doorashadii hore.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News