SOOL Waxaa saaka xasiloon xaaladda Degmada Ari-Caddeeye ee Gobolka Sool Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya kaddib markii dagaal halkaas ka dhacay uu galaaftay nolosha in ka badan 20 ruux sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tobanneeyo kale.
Dadka Degmada ayaa saaka hadal haya dagaalkaas sababay dhimashada badan iyo dhaawaca iyada oo la aasay qaar kamid ah Dadkii ku dhintay dagaalkii ka dhacay Degmadaan katirsan Gobolka Sool ee Maamulka Waqooyi Bari.
Weerarka lagu qaaday Ari-Caddeeye ee sababay dhimashada iyo dhaawaca badan ayaa la sheegay in uu daba socday dilal ka dhacay Gobolka Sool sida ay inoo xaqiijiyeen ilo kala duwan, waxaana dadka dhintay ku jiray Haween, Dad da’ ah iyo Carruur.
Saraakiisha hay’adaha ammaanka Maamulka Waqooyi Bari ayaa la sheegay in ay kulamo ka yeesheen arrintaan inkasta oo aanay jirin warbixin loosoo gudbiyay dhinaca Warbaahinta oo la xiriirta go’aamada kasoo baxay iyo tallaabada uu maamulkaas qaadayo.
Waxgaradka Degmada Ari-Caddeeye ayaa qudhooda ku howlan kahortagga rabshado lamid ah tan shalay ka dhacday Degmadaas ee dhalisay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo ilaa hadda aan xalkeeda la gaarin.

