Wasaaradda Deegaanka Jubbaland oo ka digtay roobab iyo dabaylo culus oo ku wajahan degaanadaasi

|

KISMAAYO (Kaab TV) -Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Jubbaland ayaa soo saartay digniin ku saabsan roobab culus oo la filayo in ay ka da’aan deegaannada Jubbaland toddobaadyada soo socda, kuwaas oo ay la socon karaan dabaylo xooggan oo saameyn ku yeelan kara nolosha bulshada iyo deegaanka.

Wasaaraddu waxay sheegtay in xaaladda hawada ee loo yaqaan MJO (Madden-Julian Oscillation), oo ah nidaam saameyn weyn ku leh roobabka iyo dabaylaha caalamka, ay haatan ku sugan tahay galbeedka qaaradda, isla markaana ay si tartiib ah ugu soo dhowaanayso Bariga Afrika.

Sida lagu sheegay warbixinta saadaasha, laga bilaabo 24-ka Abriil ayaa la filayaa in hawada qoyan ee ka timaadda dhanka Badweynta Hindiya iyo Hawo ka imanaysa dhanka Congo ay keento roobab xooggan oo dabaylo wata, gaar ahaan koonfurta Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in roobabku ay hore uga curteen qaar ka mid ah deegaannada Jubbaland dabayaaqadii bishii Maarso, balse la filayo in xilliga Guga uu si rasmi ah u xoogaysto roobka, gaar ahaan dhamaadka Abriil ilaa bilowga May.

Sidoo kale, warbixintu waxay tilmaantay in 27-ka Abriil iyo wixii ka dambeeya ay roobabku ku fidi karaan guud ahaan deegaannada Jubbaland, iyadoo laga digayo suurtagalnimada daadad iyo fatahaado, gaar ahaan meelaha xeebaha iyo labada webi ee Jubba.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday shacabka inay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay raacaan tilmaamaha badbaadada ee ay soo saaraan hay’adaha dowladda, si looga hortago khasaaraha ka dhalan kara xaaladaha cimilada ee soo socda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News