Muqdisho (KAAB TV) – Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay iska horimaad shalay galab ka dhacday Garoonka diyaaradaha Magaalada Jowhar, kaas oo dhaxmaray ciidanka Danab iyo ciidan ilaalo u ahaa masuuliyiin katirsan Hirshabelle.
Sidoo kale, Qoraalka kasoo baxay wasaaradda Difaaca ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadii shalay dhacday, waxa ayna wasaaradda sheegtay in la bilaabay baarista dhacdadaasi lana horgeyn doono caddaaladda dadkii falkaasi ku lugta lahaa.
Dhacdadan iska hor imaadka ayaa udhexeeysay ciidanka ilaalada madaxtooyada Hirshabeelle oo waday guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan iyo ciidanka Danab.
Dhanka kale, Cabdixakiin Luqmaan ayaa weerarka kadib shir jira’iid uu qabtay ayuu uga hadlay weerarka lagu soo qaaday isagoo safar usoo ahaa magaalada Muqdisho wuxuun sheegay in dowladda federaalka sida uga dhaqsiyaha badan ey jawaab cad uga bixiso weerarkaas.


