Wasiir Juxa oo qaadacay heshiis ay xisbiyada Kaah iyo Muqtabal ka galeen degmooyinka Buursax iyo Xumbeys

|

Garoowe (KAAB TV) – Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta Puntland ayaa laashay heshiis ay xisbiyada Kaah iyo Muqtabal ka galeen degmooyinka Buursax iyo Xumbeys ee gobolada Mudug iyo Kaarkaar, kaddib markii ay xisbiyaddaas ku heshiin waayeen in ay wada dhistaan degmooyinkaas.

Sidoo kale, qoraal ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in heshiiskaas la buriyay, guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmooyinkaasna ay ku imaanayaan tartan doorasho oo xubnaha golahu dooranayaan si-xor iyo xalaal ah.

Dhanka kale, Wasaaradda ayaa fartay guddoomiyaasha gobolada Mudug iyo Karkaar in ay u diyaar garoobaan doorashada degmooyinka Bursaalax iyo Xumbays, kuwaas oo wasaaraddu sheegay in ay dhawaan soo mudayn doonto xiliga la qabanayo doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News