Kenya(Kaab TV) -Wasiirka Adeegga Dadweynaha ee Kenya, Geoffrey Ruku kormeer kedis ah ku tagay Xafiiska Maamulka iyo kan adeegga Dadweyne ee Ismaamulkaas waxa uu waayay qof kamid ah Shaqaalaha iyo maamulka waxaana xirnaa dhammaan qolalka shaqada & Xafiisyada.
Waxa uu sheegay in tani ay tahay wax laga xumaado isla markaana muujinaysa niyad-jabka Bulshada maadaama aysan haysan adeegyadii ay uga baahnaayeen Xafiisyada loogu talagalay in ay ka helaan adeegyada Dowladda sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu faray dhammaan Shaqaalaha iyo Maamulka in ay xaadiraan shaqada waqtiga loogu talagalay isla xisaabtan adagna uu ka dhallan doonno arrimahaan oo keeni kara inay iska hor imaadaan Dowladda Dhexe iyo Shacabkeeda sida uu yiri.
“Aad ayaa uga niyad jabay markii aan tagay Xafiisyadii isku dubbaridi lahaa adeegyada Gobolka oo dhan, wax shaqo ah ma socon, Dhammaan Qolalku way xirnaayeen, waxa aan joogay ilaa 7:30 Subaxnimo balse weli way xirnaayeen” ayuu yiri Wasiirka Adeegga Dadweynaha Kenya, Geoffrey Ruku.
Guud ahaan Dhismaha Shaqaalaha loogu talagalay in ay adeegga ka helaan Dadka Gaarisa waxaa keliya ku sugnaa hal qof oo kaliya lama sheegin shaqadiisa, haddii la abaalmarinayo maadaama uu kasoo baxay waajibka saaran.
Xeerka Shaqada ee Xafiisyada Ismaamulka Soomaalida ee la cusboonaysiiyay sannadkii 2016 waxa uu dhigayaa in la furo 7:30 Subaxnimo lana xiro waqtiga tukushada Salaadda oo sidoo kale qado u noqon karta Dadka aan Muslimka ahayn, waxaana dib loo furaa 2:30 AM iyada oo la xirayo 4:30 galabnimo.
Wasiirka ayaa ugu dambayn fariintaan diray isaga oo yiri “Dhammaan Shaqaalaha waa in ay daacad u ahaadaan shaqadooda, mushaharkiinna waxaa la kordhiyay Janaayo 2026, waxaa kale oo la kordhiyay gunnooyinka safarka & kuwa guryaha, sidaas awgeed waa in loo adeeggo Dadka”.
Wasiirro katirsan Xukuumadda Madaxweyne William Ruto ayaa billaabay in ay si kedis ah u tagaan Xafiisyada iyo xarumaha loo asteeyay in dadka loogu adeeggo si ay usoo arkaan shaqada halkaasi ka socota iyo haddii uu jiro dayac ama mas’uuliyad darro.

