Wasiirrada Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Soomaaliya oo ku kulmay Turkiga si loo qaboojiyo xiisadda diblomaasiyadeed.

|

ANKARA (KAAB TV) –  magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa lulan ku yhsay wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya, si ay wax uga qabtaan, isla markaana loo yareeyo xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa labada dal.

Shirkan oo maanta loo ballansan yahay, ayaa ku soo beegmaya, ka dib heshiis is-afgarad ah oo 1-dii January 2024-ka ay Itoobiya iyo Somaliland wada saxeexdeen, kaas oo dhaliyey khilaaf xooggan iyo xidhiidh xumo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Danjire Taye Atske Selassie iyo dhiggiisa Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay gaaray Ankara, iyagoo muujiyay inay diyaar u yihiin inay wadahadallo ku xalliyaan khilaafkooda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa markii hore ku tilmaantay wada-hadallada in uu ahaa “wada xaajood” qoraal ay soo dhigtay X, balse markii dambe meesha laga saaray, iyadoo si maldahan u muuqata in wada-hadallada ay ahaayeen kuwo xasaasi ah.

Is-afgaradkaas oo Itoobiya siisay 20 KM oo saldhig ciidan oo badda ah muddo 50 sano ah si ay u hesho aqoonsi diblomaasiyadeed oo ay Somaliland siiso, waxa uu ahaa mid muran badan dhaliyey, gaar ahaan Soomaaliya oo aan Somaliland u aqoonsanayn dal madax-bannaan.

Heshiisku waxa uu sii kordhiyey xiisadda u dhaxaysa labada dal ee deriska ah, taas oo soo dedejisay in loo baahan yahay faragelin diblomaasiyadeed.

Wadahadallada ka dhacaya Turkiga ayaa la filayaa inay labada dhinacba u fidiyaan gogol ay ku muujiyaan dareenkooda, sahamiyaan qodobbada ay wadaagaan, isla markaana ay ka shaqeeyaan sidii loo gaari lahaa xal faa’iido u leh labada dhinac.

Natiijadii ka soo baxday wada-hadalladani waxay saameyn ballaaran ku yeelan karaan xasilloonida gobolka iyo iskaashiga Geeska Afrika.

Iyadoo beesha caalamku ay si dhow isha ugu hayso arrimahan, ayaa waxaa rajo wanaagsan laga qabaa in kulanka uu u gogol xaaro hagaajinta xiriirka iyo ballan-qaad cusub oo wax looga qabanayo caqabadaha ka jira gobolka.

Guusha wada-hadalladani waxay tusaale u noqon karaan xallinta khilaafaadka nabadeed waxayna dhiirigelinaysaa dadaallada la midka ah ee meelaha kale ee xiisadda adduunka ka jirta.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News