MUQDISHO (KAAB TV) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimco ah magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad ay ku qalin jabinayeen dufcaddii lixaad oo saraakiil xigeeno ah oo ka socotay xarunta tababarka ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamuud ayaa kula dar daarmay saraakiisha cusub in ay si daacadnimo iyo wadaniyad ku dheehan tahay ay u gutaan waajibaadkooda shaqo si dalka looga xoreeyo waqti kooban oo ay dalka uga xoreeyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab.
“Hadiyadda ugu weyn ee uu waddankooda siin karo waa noloshooda—wax u huridda ugu dambeysa. Waxaad diyaar u tihiin inaad naftiinna u hurtaan Soomaaliya iyo dadkeeda. Waxaan dagaal kula jirnaa cadow aan akhlaaq lahayn oo cidhiidhi ah,” ayuu yidhi.
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Turkiga iyo madaxweynaheeda Recep Tayyip Erdoğan gacan weyn oo ay ka geysteen dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Waxa uu halkaasi shahaadooyin iyo abaal-marinno guddoonsiiyey saraakiishii tababarka adag u soo qaatay muddo saddex sano ah.
Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Maxamed Nuur, Jeneraal Ibraahim Sheekh, Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka, mas’uuliyiin kale, saraakiil ka kala socotay qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka, sida ciidamada badda, dhulka iyo cirka, ayaa sidoo kale ka qeyb galay munaasabadda.
Camp TurkSom, oo ku yaalla caasimadda Muqdisho, waa saldhigga ugu weyn ee Turkiga ee dibadda iyo saldhigga tababarka. Waxa ay awood u leedahay in ay qaaddo ku dhawaad 1,500 oo tababarayaal ah markiiba, waxa ayna hore u tababartay 5,000 oo ka mid ah ciidamada ammaanka Soomaaliya.

