MUQDISHO (Kaab TV) –Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil naxdin leh oo galabta ka dhacay waddada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Muqdisho iyo Balcad, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.
Shilka ayaa yimid, kadb markii ay isku dhaceen gaari Surf ah oo ka yimid dhanka Balcad iyo mooto Bajaaj iyana ka baxday magaalada Muqdisho, waxaana goobta ku dhintay ugu yaraan 5 qof, halka ay ku dhaawcmeen tiro kale.
Gaariga waxaa waday wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Deeq Jeesow, kaas oo caan ka ah baraha bulshada, gaar ahaan aaladda TikTok, waxaana la sheegay isaga qudhiisa uu soo gaaray dhaawac.
Dadka dhaawacyada ah oo qaarkood xaaladoodu halis tahay ayaa loo soo qaaday isbitaallada Muqdisho oo lagu dabiibayo xaaladdooda caafimaad.
Dad goobjoogayaal ayaa innoo xaqiijiyay warbaahinta in gaariga iyo mootada oo si xawli ah ku socday ay isku dhaceen, taas oo keentay khasaaraha badan ee ka dhashay goobta.
“Alla shilkii ugu darnaa ayaa maata dhacay oo aan marqaati ka ahay walaahi waa shil aad u xun,” ayay tiri gabar kamid ah dadka goobjoog u ahaa dhacdadaas.
Ma jiro ilaa iyo hadda wax faah-faahin ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan shilkaas ka dhacay duleedka Muqdisho.
Maalmihii la soo dhaafay shilalka gaadiidka ayaa ku soo batay waddada u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay, waxaana sidoo kale aad u isticmaala dalxiisayaal u damaashaad tega halkaas.

