MUQDISHO (Kaab TV) –Xeebta Liido oo ah goobta ugu ballaaran Dalka ee Kulmisa Dalxiisayaasha Gudaha iyo Dibadda ayaa xiran maalintii afaraad kaddib markii Arbacadii uu halkaas degay Madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, waxaana ka dhacay dagaallo culus iyada oo ugu dambayn shalay uu Shariifka kasoo tagay Degmada Cabdicasiis balse weli way xiran tahay.
Ciidamada Ammaanka Dowladda Federaalka ayaa joojiyay dhaqdhaqaaqa Dadka ee Degmada Cabdicasiis iyada oo labada waddo ee xeebtaas laga galo Dadka ay ka celinayaan Ciidanka nabadgalyada sugaya sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo kala duwan.
Taliska qaybta Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay baaritaanno dhanka hubka ah ay kawadaan Degmada Cabdicasiis maadaama dagaallo xooggan ay halkaas ku dhexmareen ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa mucaaradka ee Shariif Sheekh Axmed ilaalinayay.
Inkasta oo xaaladda Degmada Cabdicasii ee Gobolka Banaadir ay degen tahay isla markaana Shariif Sheekh Axmed uu dib uga guuray Hoyga Madaxweynihii ee Dalka, Marxuum Cali Mahdi Maxamed halkaas uu degenaa in ka badan 35 saac.

