MUQDISHO (Kaab TV) -Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Suleymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in dhawaan maxkamad la horgayn doono Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo ahayd darawal mooto Bajaaj, isagoo sheegay in kiiskeedu uu marayo heer gabagabo ah oo dhanka baarista iyo dacwad oogista ah.
Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay soo bateen warar aan sax ahayn oo laga faafinayo hay’adaha caddaaladda, gaar ahaan kiisas ay gacanta ku hayaan hay’adaha amniga iyo xeer ilaalinta.
Wuxuu sheegay in Sacdiyo la xiray 21-kii April 2022, islamarkaana lagu horgeeyay maxkamad muddo 48 saacadood gudahood ah, si waafaqsan dastuurka dalka. Sida uu sheegay xeer ilaaliyuhu, maxkamaddu waxay dhegeysatay warbixintii hordhaca ahayd ee baarista, kadibna waxay sharciyeysay xariggeeda.
Xeer Ilaaliyaha ayaa xusay in hay’adaha baaristu ay gudbiyeen faylka baarista, halka xafiiska xeer ilaalintuna uu kiiska u gudbiyay maxkamadda awoodda u leh, iyadoo hadda la sugayo dhageysiga dacwadda oo uu sheegay in dhawaan la qaban doono.
Wuxuu sidoo kale sheegay in xafiiska xeer ilaalintu uu ka walaacsan yahay kororka wararka been abuurka ah, marin habaabinta bulshada iyo falalka lagu dhaawacayo kalsoonida hay’adaha dastuuriga ah ee dalka.
“Xorriyadda hadalka iyo helitaanka macluumaadka waa xuquuq uu damaanad qaaday dastuurku, balse waa in aan lagu xadgudbin amniga qaranka, badqabka bulshada iyo xuquuqda dadka kale,” ayuu yiri.
Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa adkeeyay in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay sharciga hortiisa u siman yihiin, isla markaana qof kasta oo loo haysto fal dambiyeed uu leeyahay xuquuqaha difaac iyo cadaalad helid oo uu dastuurku dammaanad qaaday.
Hadalka uu soo saaray xeer ilaaliyaha xeer ilaaliyaha Soomaaliya ayaa yimid ku dhawaad 24 saac kaddib markii Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay dowladda ku eedeeyeen caburin siyaasadeed, xarig sharci darro ah iyo weerarro lagu hayo dhalinyarada iyo shacabka Soomaaliyeed, iyagoo sheegay in nidaamka hadda jira uu ku shaqeynayo cabsi iyo awood adeegsi.

