Xiisad Dagaal ayaa saakay Kataagan deegaanno ka tirsan gobolka karkaar ee pudntlan,waxaana jra warar sheega in uu jiro Dhaq-dhaqaaq ciidan oo u dhaxeeya ciidamada puntlamd iyo ciidamo la sheegay in ay si toos ah ugu amar qaataan Dowlada soomaaliya, Arintaan ayaa timid ka markii ciidamo horay ugu sugnaa degmada carmo ee gobolka bari shalay ay u dhaqaaqeen dhanka karkaar.
Ila kala duwan ayaa u sheegay warbaahinta in ku dhawaad gaadiil dagaal ay gaareen deegaanka Raka-raaxo, waxaa la sheegay in ay ku raadjoogaan ciidamo ku biiray Dowlada soomaaliya oo horay ugu sugnaa deegaanka kur-ilaalo oo hoostaga degmada xumbays.
Xiisada ayaa waxaa sii kordhinaya Hadlka ciidamada ee la sheegay in ay yimaadeen Carmo, kuwaas oo sheegay in aysan aqoonsanayn puntland.isla markaana ay si rasmi ah ugu amar qaataan Dowlada soomaaliya.
Xaalada ma aha oo kaliya dhaq-dhaaq ciidan , waxay sidoo kale tabaneysaa khilaafka siyaasadeed iyo Dastuuriga ah ee u dhaxeeya puntlan iyo Dowlada soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan Deeganka hadii ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan in ay ka amar qaataan Dowlada dhexe,Puntlan waxay arintaas u arki kartaa caqabad ku wajahan awooddeda maamul iyo Amni.
Dhanka kale Dowlada soomaaliya waxay u arki kartaa Ciidmadaas kuwo ka tirsan ciidamadeeda qaranka .
Sidaas darteed, xiisadda karkar waxy yeelankartaa saameyn ka baxsan deegaanka hadii an si deg deg ah loo dejin.
Hadii ciimada labada dhinac ah ay isku dhawaadaan,waxaa dhicikarta xaalada khatar ah oo xaaladu isu bedesho iska dagaal,taas waxay saameyn ku yeelankartaa shacabka,isu soocdka gaadiidka ,Ganacsiga.
sidoo kale waxaa muhiim ah in laga fogaado hadalada kicin kara bulshada ama xiisadda u rogi kara khilaaf siyaasadeed.
Xalka ugu habboon xilligan waa in ciidamada la kala fogeeyo, hubka laga ilaaliyo inuu hadlo, lana bilaabo wada-hadal degdeg ah.
Odayaasha dhaqanka, maamulka Puntland, Dowladda Federaalka iyo waxgaradka deegaanka waxay door muhiim ah ka qaadan karaan dejinta xiisadda.

