Xildhibaano federaal ah oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo Lagu Xanibay Garoonka Aadan Cadde

|

MUQDISHO (KAAB TV) -Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu xanibay gudaha garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, xilli ay qorsheynayeen safar dibadeed oo la xiriira fasaxooda caadiga ah ee Baarlamaanka.

Xildhibaanadan oo la sheegay in intooda badan laga soo doortay deegaanada maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay in sababta loo hor istaagay safarkooda ay si gaar ah ula xiriirto asal ahaan halka laga soo doortay.

Arrintan ayaa dhalisay walaac iyo dood siyaasadeed oo ku saabsan xorriyadda dhaqdhaqaaqa mas’uuliyiinta dowladda.

Qaar ka mid ah xildhibaanada ayaa tilmaamay in tani ay qeyb ka tahay cadaadis siyaasadeed oo sii xoogeysanaya, iyagoo tusaale u soo qaatay dhacdooyin la mid ah oo hore uga dhacay maamulada Jubbaland iyo Puntland, halkaas oo sidoo kale ay ka dhaceen cabashooyin la xiriira xanibaadyo safar.

Dhanka kale, siyaasiga mucaaradka ah Dr. Koofi Aadan oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si kulul uga hadlay arrintan, isagoo ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud in uu si degdeg ah u joojiyo waxa uu ku tilmaamay “isbaarooyin dowladeed” oo lagu xanibayo muwaadiniinta iyo mas’uuliyiinta.

Dr. Koofi ayaa sidoo kale xusay in madaxweynuhu horey sanadkii 2013 ugu ololeyn jiray qaadista isbaarooyinka caasimadda, balse hadda ay muuqato in xaaladdu ka duwan tahay, taasoo uu ku tilmaamay mid dhaawaceysa sumcadda iyo kalsoonida caasimadda Muqdisho.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka oo ku saabsan sababta rasmiga ah ee ka dambeysa xanibaadda xildhibaanadan.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News