Muqdisho (KAAB TV)- Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dilka Nabadoonka loogu geystay Degmada Bardaale Malaaq, iyadoo laga cabsi qabo in uu dagaal kale ka dhaco. Malaaq Manuur Yuusuf Maxamuud oo ahaa Ugaaska Beesha Leysaan (oo ka soo jeeda beesha Raxanweyn) ayaa la sheegay in ciidamo taabacsan maamulka Koonfur Galbeed ay gurigiisa ku dileen.
Xildhibaan Maxamed Abuukar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa si toos ah ugu eedeeyay C/casiis Laftagareen Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed inuu soo abaabulay weerarkaasi. “Dhacdooyinkii maanta ka dhacay Bardaale, halkaasoo Malaaq gurigiisa lagu weeraray, laguna dilay, waxay ka dhigan tahay mid argagax leh oo ka baxday hab-dhaqanka Soomaalida iyo midka dowladnimo,” ayuu yiri Abuukar. Waxa uu ku andacoodey in Laftagareen uu u bedelay maamulkiisa Maleeshiyo, taasi oo dhibaato xoogan ku haysay shacabka Bardaale.
Weerarkan ayaa noqon kara mid adkeyn kara xaaladda kacsan ee degmada Bardaale ee gobolka Baay oo muddooyinkii dambe ay ka taagnaayeen khilaafyo u dhaxeeya maamulka degmadaasi. Dilka Malaaq Manuur Yuusuf oo ahaa nin dhaqameed la ixtiraamo ayaa sii kordhiyey walaaca laga qabo xasiloonida deegaanka.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed, ayaa si weyn uga carooday falkaasi, iyaga oo tilmaamay inay carqalad ku noqon karto dadaalada nabadeed ee ka socda deegaanada Maamulkaasi.

