Xisbiga Himilo Qaran oo Taageeray Tallaabada Madaxweyne Laftagareen ee Doorashooyinka Koonfur Galbeed

|

MUQDISHO (Kaab TV) -Xisbiga Himilo Qaran ayaa ku bogaadiyay tallaabo ay ku tilmaameen mid dastuuri ah ee uu qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaasoo ku saabsan magacaabista Guddiga Madaxbannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka Koonfur Galbeed.

Xisbiga ayaa xusay in dhismaha laamaha xeer-dejinta iyo fulinta ee dowladaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka uu yahay arrin ay nidaamiyaan dastuurada maamul-goboleedyada, sida ku cad qodobka 120aad ee Dastuurka KMG ah.

Xisbigu wuxuu uga digay madaxda Dowladda Federaalka in aysan sii wadin ku tumashada dastuurka iyo faragelinta hubeysan ee ay ku hayaan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa si cad uga hor yimid siyaasadda qoor-qabadka ah ee Madaxweynaha Dowladda Federaalka uu kula dhaqmo dowlad goboleedyada dalka, wuxuuna dhiirigeliyay cid kasta oo ka hortimaadda af-duubka siyaasadeed ee sharci darrada ah sida shaaca loo qaaday war saxaafaadeedka Himilo Qaran.

Xisbigu wuxuu cadeeyay in madaxda Dowladda Federaalka ay ka danbeysay in dowlad goboleedyadu dhaafaan waqtigii doorashooyinkooda dastuuriga ahaa, isla markaana cid kasta oo sharciyad u soo noqota oo doorasho qabata ay u hiilisay nidaamka dowladnimada iyo ku dhaqanka dastuurka.

Intaa waxaa dheer, Xisbiga ayaa si adag uga digay abaabulka hubaysan ee dowladda federaalka ay ku khal-khal gelinayso xasiloonida Koonfur Galbeed, wuxuuna ugu baaqay dowlad goboleedyada kale in ay ilaaliyaan dastuurka oo aysan horseedin qalalaase ka aloosma deegaanada nabad ah.

Xisbiga Himilo Qaran oo Taageeray Tallaabada Madaxweyne Laftagareen ee Doorashooyinka Koonfur Galbeed

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News