MUQDISHO (Kaab TV) -Midowga Yurub (EU) ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo ku-meel-gaar ah oo lagu adkeynayo helitaanka fiisooyinka muwaadiniinta Soomaaliyeed, kaddib markii warbixin rasmi ah lagu qiimeeyay heerka wada-shaqaynta Soomaaliya ee dib u qaadashada muwaadiniinteeda ku sugan dalalka Yurub si sharci-darro ah.
Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya aysan weli muujin wada-shaqayn ku filan oo ku aaddan aqbalidda iyo dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu amray inay ka baxaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.
Go’aanka cusub ayaa dhigaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed aan mar dambe la siin karin fiisooyinka Schengen-ka ee gelitaanka badan leh (multiple-entry visas), kuwaas oo u oggolaan jiray qofka inuu dhowr jeer galo dalalka Schengen-ka muddada uu fiisuhu shaqaynayo.
Sidoo kale, Midowga Yurub ayaa kordhiyay muddada lagu farsameeyo codsiyada fiisooyinka, taas oo hadda ka bilaaban doonta 45 maalmood halkii ay markii hore ka ahayd 15 maalmood. Arrintan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato dadka doonaya inay u safraan Yurub arrimo shaqo, waxbarasho ama booqasho.
Tallaabooyinka kale ee la qaaday waxaa ka mid ah hakinta nidaamyadii fududeyn jiray dukumentiyada looga baahan yahay codsiyada fiisaha, iyo dib u soo celinta khidmadaha fiisaha ee dadka sita baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ayaa sheegay in xayiraadahani yihiin kuwo ku-meel-gaar ah, ayna dib uga laaban karaan haddii Soomaaliya ay muujiso horumar la taaban karo oo ku saabsan wada-shaqaynta dib u qaadashada iyo dib u celinta muwaadiniinteeda.

