SO | EN

SO | EN

Xasan Sheekh oo qaatay kaarka aqoonsiga dadweynaha uguna baaqaya Shacabaka iney qaataan kaarka

|

Muqdisho (KAAAB TV) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta maamulka Galmudug oo maanta qaatay kaarka Aqoonsiga daweynaha.

Sidoo kale, madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ka hadlay muhiimada aqoonsiga uu u leeyahay kobcinta amniga, sare u qaadida maamul wanaaga dowliga ah iyo ganacsiga.

Waxaa uu sheegay in aqoonsi la’aanta ay dhibaato badan ku heyso bulshada Soomaaliyeed, haatan wixii ka dambeeyana ay yaraan doonaan.

“Maanta laga bilaabo dadkeennu waxay heli doonaan Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha oo ah xaq dastuuri ah, taas oo u fududeyn doonta in ay helaan xuquuqda buuxda ee ay dalka ku leeyihiin”. ayuu yiri Madaxweyynaha.

Dhanka kale R/Wasaaraha  Soomaaliya Xamze Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha 16 Sebtembar.

Xamze Cabdi Barre ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasoo ay ka mid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News