MUQDISHO (KAAB TV) – Midowga Afrika ayaa ka biyo diiday dalab dhowaan kasoo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa in muddo 3 bilood dib loogu dhigo bixitaanka ciidanka hawlgalka ATMIS ee ku sugan Soomaaliya.
Warqad uu qoray La Taliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee dhanka amniga, Xuseen Sheekh Cali ayaa lagu codsaday in muddo 3 bilood dib loo dhigo bixitaanka ciidanks 3,000 ee ATMIS kuwaasi oo baxaya bishan Semtembar 2023.
Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika ayaa sheegay in wax lala yaab ay tahay in iyadoo muddo labo toddobaad kaliya ka harsan tahay bixitaanka ciidanka in codsi noocaasi uu ka yimaado Soomaaliya.
“Waxaad hurdeysay illaa aad soo toostay labadii toddobaad ee u dambeeyay bixitaanka, kadibna waxaad codsaneysaa in ciidanka ay joogaan,” ayuu yiri sarkaalkan ka tirsan Midowga Afrika oo aan rabin in magaciisa la sheego.
Midowga Afrika ayaa dhanka kale la yaab ku tilmaamay in warqadda ay dirtay Villa Somalia aan la marsiin Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyo safaaradda Soomaaliya ee Addis Ababa, taasoo ah khalad dhanka diblomaasiyadda.
Sidoo kale Midowga Afrika oo ay hoostagaan hawlka ATMIS ayaa ka carooday in warqadda Villa Somalia loo diray Qaramada Midoobay halka ay ahayd in loo diro Midowga Afrika oo ay hoostagaan ciidamada ATMIS.
Midowga Afrika ayaa sheegay inay wadaan wajiga labaad ee bixitaanka ciidankooda ku sugan Soomaaliya, kaasoo qorshuhu yahay inay wada baxaan ugu dambeyn dhammaadka 2024.