Gaalkacyo (KAAB TV) – Xogo dheeraad ah oo aan helnay ayaa tilmaamaya in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) saacadaha soo aadan ku wajahan yahay magaalada Dhuusomareeb ee xarunta Galmudug.
Sidoo kale, Laftagareen ayaa waxaa si deg deg ah ugu yeeray madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo saldhig ka dhigtay Dhuusamareeb, waxaana la filayaa in ay kawada hadlaan arrimo ay kamid yihiin cadaadiska siyaasadeed ee kajira maamulka Koobfur Galbeed.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa Laftagareen kala hadli doona khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan fulinta heshiiskii Baydhabo lagu gaaray iyo sidii siyaasiyiinta kasoo horjeeda ugu ogolaan lahaa in ay tagaan Baydhabo.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kala hadli doona madaxweyne Laftagareen sidii loo qaban qaabin lahaa doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaanka maamulkaasi iyo sidoo loo bilaabi lahaa howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.
Guddoomiyaashii hore ee baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa cadaadis xooggan ku haya madaxweyne Laftagareen, waxa ayna siyaasiyiintan oo Dhuusomareeb iyana kula soo kulmeen madaxweyne Xasan Sheekh.