SO | EN

SO | EN

Boosaaso oo yeelatay labo maamul oo iska soo horjeeda iyo khilaaf kataagan

|

Boosaaso (KAAB TV) – Durbaba Waxaa imaanaya Khilaaf xooggan oo ka dhex bilowday dhisida golaha degaanka degmada Boosaaso, kadib markii ay laba garab u kala baxeen xubnihii golaha degaanka ee ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee ka dhacday magaaladaas.

Sidoo kale, Khilaafka ayaa yimid ka dib markii afar Xisbi ay ku heshiiyeen inay wada dhistaan golaha degaanka Boosaaso, si meesha looga saaro Xisbiga haysta kuraasta ugu badan ee Mideeye, taasoo abuurtay muran.

Dhanka kale, golaha degaanka Boosaaso oo ka kooban 33 xubnood oo ay ka soo bexeen 6 xisbi ayaa noqday laba garab oo midi uu taageersan yahay heshiiskii afarta xisbi, halka garabka kale uu raacsan yahay Mideeye.

Garabka xisbiyada heshiiyey oo uu gadaal ka riixayo maamulka Deni ayaa maanta guddoomiyaha degmada Boosaaso u dhaariyay Cabdifitaax Shanle oo ka tirsan xisbiga SINCAD, halka guddoomiye ku xigeeen ay u dhaariyeen Bashiir Siciid oo ka tirsan Mustaqbal.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxaa ayaa ka horyimid tallaabooyinkan ay ku kaceen labada garab ee golaha degaanka Boosaaso oo uu ku tilmaamay kuwa aan waafaqsanayn habraaca dhisidda golaha degaanka.

Hadalka Wasiir Juxaa waxaa ka horyimid wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha Puntland Maxamed Axmed Kulan oo taageeray maamulkuu ay dhaariyeen garabkii xukuumaddu riixaysay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News