Macalin Dugsi iyo Ardeydiis oo xalay lagu dilay deegaanka Xaaji Cali

|

Cadale (KAAB TV) – Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa kasoconaya dagaal udhexeeyo labo beelood oo walaala ah kuwaas oo dega gobolka Shabeellaha dhexe waxaa sii badanay dilalka laxiriira aanooyinka qabiil kuwaas oo kadhaca deegaano hoostaga degmada Cadale.

Sidoo kale, Maleeshiyaad beeleedyo hubeysan ayaa xalay deegaanka Xaaji Cali ee degmada Cadale kudilay Macalin dugsi Qur’aan iyo afar kamid ah ardeydiisa kuwaas oo jidka loo galay xili ey kusii socdeen guryohooda.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Cadale oo warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu sheegay in kooxo hubeysan ey jidka ugaleen Macalinka iyo ardeydiisa kuwaa oo kasoo laabtay guri ey Qur’aan kasoo aqriyeen.

Maalmihii tagay waxaa gobolka Shabeellaha dhexe kasocdey dagaalo kuwaas oo sababay dilil quseeya aanooyin qabiil, sidoo waxaa lagubay guryo ey dad shacab ah deganaayeen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News