SO | EN

SO | EN

Cali Jeyte oo kahadlay sababta uu ugu tanaasulay Hiiraan State iyo xilka loo dhiibay

|

Beledweyne (KAAB TV) – U qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka deegaanka Cali Jeyte oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u diyaar-garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale u qaybsanaha xafiiska Madaxweynaha ee arrimaha ciidanka degaanka ayaa ciidanka Macawisleyda ugu baaqay inay xoojiyaan ka qeyb qaadashada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasoo hadda ka socda guud ahaan dalka.

Dhanka kale, Cali Jeyte waxaa uu xusauy in qadiyadii maamulka Hiiraan State lagu balamay in dib loo dhigo ka hadalkeeda, markii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan kula kulmeen isaga iyo waxgaradka Xawaadle

“Madaxweynaha ayaa naga codsaday in dib loogu dhigo qadiyad kasta oo aan aheyn la dagaalanka Shabaab, waana ka aqbalnay” ayuu yiri Cali Jeyte.

Waxaa uu dhinaca sheegay inuu soo dhoweynayo xilka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud maalintii shalay u magacaabey oo ah u qeybsanaha xafiiska madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Difaaca Dadweynaha (Macawisleyda) ee Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News