Garoowe (KAAB) Qaar kamid ah haweenka Puntland iyo Haween kale oo ka yimid deegaanada SSC-Khaatumo ayaa sheegay inay caawa seexanayaan afaafka hore ee xarunta golaha wakiilada Puntland.
Wararka aan ka helaynayo caawa magaalada Garoowe ayaa sheeegaya in magaalada uu ka socdo dadaal lagu doonayo in fadhiga Barlamaanka ee beri uu khalalase ka dhasho.
Hooyooyinka caawa isugu soo baxay magaalada Garoowe ayaa ku baaqaya in laga baaqsado wax kasta oo keeni kara gacan ka hadal wax kastana lagu dhameeyo wada- hadal.
Magaaalada Garoowe ayaa waxa ka jira dhaq dhaqaaq iska soo horjeeda oo u dhaxeeya xubnaha mucaaradka iyo kuwa taabacsan Madaxwaynaha waqtiga uu ka dhamaanayo ee Saciid Deni.
Si kastaba maalinta beri oo khamiis ah ayaa loo balansan yahay in golaha wakiilada Puntland uu meel mariyo xeerka Doorashooyinka Puntland.