Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN Xoogga saari doonto tayeynta ciidamada Soomaaliya.

|

Muqdsho(kaab tv)Dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saari doonta sidii loo tayeyn lahaa ciidamada qaranka ka dib qaadista cunaqabateynta hubka ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay la taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaakiya, Xuseen Macallin Maxamuud, isagoo intaa ku daray dalku inuu haatan haysto fursad qumman oo looga adkaan karo Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed uu soo saaray la taliyaha amniga qaranka ayuu ku sheegay in dalka uu maalgashi ku samayn doono ciidamada qaranka, si looga dhigo kuwo karti u leh maaraynta arrimaha amniga Soomaaliya.

“Qaadista cunaqabateynta hubka waxay awood u siinaysaa dowladda Soomaaliya inay dhisto oo ay xoojiso ciidamadeeda ammaanka. taas oo lagama maarmaan u ah ilaalinta xasiloonida iyo la dagaalanka kooxaha xagjirka ah,” ayuu yidhi taliyuhu.

“Awoodda la kordhiyey kaliya kama caawin doonto ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, balse waxay sidoo kale gacan ka geysan doontaa xasilloonida gobolka, ka hortagga falalka amni darro iyo rabshadaha ka dhaca xuduudaha,” ayuu hadalkiisa ku daray la-taliyaha dhinaca ammaanka ee madaxweynaha Soomaaliya.

Soomaaliya waxaa saarnaa cunaqabateyn dhanka hubka ah tan iyo 1992-kii, waxaana markii hore lagu soo rogay in ay jawaab u noqoto dagaaladii sokeeye iyo xaaladda bini’aadantinimo ee dalka oo sii xumaanaysay xilligaas. Tani waxay ka dambeysay markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dowladddii milateriga ahayd ee Siyaad Barre.

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya kadib, waxaa cirka isku sii shareeray colaadda Soomaaliya, waxaana ka dhashay rabshado baahsan iyo barakac baahsan.

Ujeedada koowaad ee cunaqabataynta hubka ayaa ahayd in la yareeyo qulqulka hubka ee Soomaaliya lagana hortago in colaadda ay sii xumaato.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News