SO | EN

SO | EN

Axmed Madoobe  miyuu ka furanayaa Villa Soomaaliya ?

|

Kismaayo  (KAAB)  Madaxwaynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa jeediyay hadal siyaabo kala duwan loo fasiray  oo dab ku shiday shidaal siyaasadeed. Madaxwaynaha Jubbaland ayaa  sheegay in ay muuqanayso in la jabiyay qodobo Dastuuri  ahaa taas oo ay ku kaceen xubnaha  madasha wadatashiga Qaran. ”Golaha wadatshiga talooyin bay keeneen Xarigyo bay goyeen waxbaa jabinay ,Dastuurka Wuxuu u baahan yahay ku dhac, Wadanka siduu ku jiro si ka duwan waa inuu u dhaqmo, waa inaan tallaabo horey u qaadno”  ayuu  yiri Madaxwaynaha  Jubbaland. Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay muuqanayso in qodobada la jabiyay wax badan ay u  dhimmi karto hanaanka Dowladnimo  isla markaana loo baahan yahay in hadda wax laga qabto. Madaxwaynaha   Jubbaland ayaa sheegay  in muhiim ay tahay in laga hadlo sidii loo heli lahaa dhabo  furi karta hanaan daahfuran oo dalka loogu adeegi karo sida uu yiri. Hadalkan  ayaa imaanaya , iyadoo Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya uu wada Olole uu ku doonayo inuu wax kaga bedelo , Dastuurka KMG ah ee dalka taas oo buuq badan ay  ka taagan  tahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News