Muqdisho (Kaab TV) – Ugu yaraan hal ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay dhowr kalana way ku dhaawacmeen weerar hoobiyaal loo adeegsaday oo maanta ka dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Goobjoogayaal iyo saraakiil amni ayaa sheegay in illaa 7 hoobiye ay ku kala dheceen xaafado ku yaalla degmooyinka Wardhiigley, Hawl-wadaag iyo Xamarweyne.
Mid ka mid ah hoobiyaasha ayaa haleelay dugsiga Hoyga Xamar oo xilligaasi arday ku sugneyd. Waxaana la sheegayaa in haweeney ay ku dhimatay halka hal arday uu ku dhaawacmay.
Xaafadda Ex-Fiyoore oo labo hoobiye ay ku dheceen ayaa sidoo kale la xaqiijiyay inay carruur ku dhaawacmeen.
Goobaha kale ee ay madaafiicdu ku dhacday waxaa ka mid ah agagaarka xarunta Wasaaradda Warfaafinta oo ku dhow taliska booliska Soomaaliya.
Waxay weeraradan imaanayaan iyadoo uu magaalada Muqdisho ka socdo shirka culimada Soomaaliyeed oo looga hadlayo ka hortagga fikirka xagjirnimada iyo argagixisada.