Xasan Sheekh oo cadaadis uga yimid kulmay Maamul Gobolleedyada u baajiyay kulankii mucaaradka

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya in uu baaqday kulan maanta ey kubalansanaayeen qaar kamid ah madaxdii hore ee dalka iyo madaxda dowladda ugu sareysa.

Sidoo kale, kulanka baaqday ayaa waxaa lagu soo waramayaa iney kumadalsanaayeen Xasan iyo Sheekh, guddoonka baarlamaanka labadiisa aqal iyo madaxdii hore ee dalka.

Dhanka kale, macada sababta rasmiga ah ee uu ubaaqday kulankan oo siweyn loowada sugaayay natiijooyinka kasoo bixi kara, iyadoo haatan ey soo baxayaan warar kala duwan oo looga dhigaayo sababta uu u baaqday kulankan ey tahay in madaxweyne Xasan Sheekh uu cadaadis xooggan kala kulmay madaxda dowladda goboleedyada iyo hoggaanka sare ee xisbiga madaxweynaha.

Madaxda maamul goboleedyada iyo xisbiga madaxweynaha ayaa si cad udiidanaa kulankan lala yeelan lahaa siyaasiyiinta mucaaradka, iyagoona shirkaasi kutilmaamay shirqool marqaati galin ah dad ban ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News