Garowe (Kaab TV) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa cadeeyay in qorshaha Xasan Sheekh ee bedellida dastuurka uu yahay kii 1997 la keenay shirkii Qaahira ee hoggaamiyaashii jabhaddii USC iyo SSDF, kaasoo ugu dambeyntii ay diideen Cabdullaahi Yuusuf Axmed (AUN) iyo Cali Cabdi Giir (AUN).
“Dad gaar ah aayaha Soomaaliya kama tashan karaan,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ka digay isku dayga bedelidda dastuurka federaalka Soomaaliya.