Garoowe (KAAB ) waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland halkaas oo ay ku sii qulqulayaan masuuliyiin kala duwan.
Ujeedka ayaa la sheegay in ay tahay si ay ugu qayb galaan caleema saarka madaxwaynaha markale la doortay Puntland ee Saciid Cabdullaahi DENI.
Wararka ayaa sheegaya in munaasabadda caleema-saarka lagu casumay inta badan madaxda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed kuwaas oo la filayo in ay yimaadaan Garoowe.
Inta badan Ra’iidul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin kale oo heer Federaal ah ayaa sidoo kale lagu marti-qaaday xafladda caleema-saarka madaxda la doortay ee Puntland.
Wararka ayaa intaas ku daraya in caleema-saarka lagu casumay madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya balse lama xaqiijin weli in ay imaanayaan.
Magaalada Garoowe waxaa ka soconaya shirar iyo diyaargarow ku saabsan sidii uu u qabsoomi lahaa caleema saarka Madaxwaynaha dib loo doortay Saciid Deni oo shanta sano ee soo socota hayn doona xilkaas.
Doorasha ku dhacday waqtigeeda laguna galay nidaamka Barlamaaniga ah ee soojiraanka ah ee Puntland ayuu u suurtagashay in Saciid Deni uu ku soo laabto xukunka.