Al-Shabaab oo xalay weerar culus kuqaaday Kaxda

|

Muqdisho (KAAB TV) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus ey xalay kooxda Al-Shabaab kuqaadeen degmadda Kaxda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale, Weerarkan ayey kooxda Al-Shabaab xalay waxa ey kuqaadeen saldhiig ciidanka xasilinta ey kuleeyihiin degmadda Kaxda weerark kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac.

Dhanka kale, dagaalka ayaa ahaa mid xooggan iyadoo labada dhinac ey isku adeegsanaayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa laga maqlaayay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir mana jirto ilaa hada wax war oo kasoo baxay, sidoo kale macada ilaahada khasaaraha kadhashay dagaalkan.

Laamaha amaanka ee dowladda Somalia oo kahadlay weerarkan ayaa sheegay iney kahortageen weerarka eyna khasaare gaarsiiyeen kooxda duulaanka soo khaaday.

Degmadda Kaxda sidoo kale, waxaa saakey kadhacay qarax xooggan kaas oo laga maqlay guu ahaanba degmooyinka gobolka Banaadir.

Xaalada ayaa haatan ah mid degan walina majiro wax war oo intaasi dhaafsiisan oo kasoo baxay dowladda oo kusaabsan qaraxan iyo weerarkan.

Ugudambeyntii, Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu kadhacay bar Kontarool oo kutaalo isla degmadaasi kaas oo ay kusugnaayeen ciidanka amaanka.

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News