SO | EN

Ruushka oo markale Soomaaliya ku wareejiyay Qamadi gaaraya 25,000 oo tan.

|

MUQDISHO(KAAB TV) –   Dowladda Federaalka Ruushka ayaa markale Dowladda Soomaaliya waxa ay ku wareejisay 25,000 oo tan oo Qamadi ah, gargaarkaan ayaa qayb ka ah taakulada Moscow ay u qorshaysay in ay siiso dhiggeeda Muqdisho.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle oo wakiil ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la wareegay gargaarkaan ka yimid Ruushka.

Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa u mahadceliyay Dowladda Federaalka Ruushka oo garab istaag muuqda u muujisay Soomaaliya si looga baxo xaaladaha adag ay wajahayaan Dad badan oo la dhibaataysan xaaladihii ka dhashay abaaraha, Daadadka & Fatahaadda Webiyada.

“Dekedda Muqdisho oo aan joogno waxa aan kusoo dhawaynay Markab wada Qamadi oo ka yimid Ruushka waana gargaarkii labaad oo Dalkaas nooga yimaado, Runtii Dowladda Raashiya waxa aan uga mahadcelinayaa oo ka fakirtay xaaladaha Soomaaliya ay ku jirtay oo ah marna abaar ba’an ku dhacday marna daadadka Elnino ay galeen, ma ahan midkii ugu dambeeyay, qorshaha aan leenahay ka guddoomiye ahaan waa in aan Moscow tagno ugana soo mahadcelino” ayuu yiri Maxamuud Macallin Cabdulle, Guddoomiyaha SODMA.

Waa sii hadlay Guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle waxaana uu carrabka ku dhuftay in keliya Xukuumadda Moscow aanay Soomaaliya ka garabsiin doonin arrimaha bani aadamnimada balse ay kaalinteeda ka qaadan doonto dhinacyada Horumarinta.

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed SODMA ayaa horay u qaybisay gargaarkii ka yimid Dalal Ruushka uu kamid yahay, Hay’addu waxa ay ballanqaadday in Gargaarkaan u qaybin doonto Dadka u baahan.

May be an image of 6 people

 

May be an image of 4 people

 

May be an image of 1 person

 

May be an image of 1 person and suit

 

May be an image of 2 people

 

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News