SO | EN

SO | EN

Itoobiya oo Golaha Ammaanka QM ka dalbatay inaysan ka hadlin heshiiska Somaliland

|

HARGEYSA (KAAB TV) – Sida uu caddeynayo qoraal Dowladda Itoobiya u dirtay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Waxay Dowladda Itoobiya dalbatay in Goluhu ka hadlin arrinta muranka dhalisay ee heshiiska is-afgaradka u dhexeeya Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Warqadda waxaa Golaha Ammaanka gaarsiiyay danjiraha Itoobiya ee Qarmada Midoobay Tesfaye Yilma Sabo, waxaana qoraalka rasmiga ah soo diray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Mesganu Arga.

Nuxurka qoraalka ayaa ah in arrinta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid iska caadi ah, isla markaana Itoobiya ay hore ugu wargelisay dowladaha gobolka oo ay ku jirto Soomaaliya.

Warqadda Itoobita_1

Itoobiya waxay sheegtay inay hadda wada hadal uu garwadeen ka yahay Midowga Afrika uu u socdo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warqadda Itoobita_2

Warqadda Itoonbiya ma xusin saldhigga militari ee Itoobiya lasiiyay iyo qorshaha aqoonsiga Somaliland. Balse, kaliya waxay warqadda Itoobiya u dirtay Qaramada Midoobay xustay inay dooneyso deked ay wax kala soo degto maadaama dhaqaalaheeda uu kordhayo, dadkeeduna ay sii badanayaan.

Itoobiya waxay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka codsatay inaan arrinta heshiiska Somaliland iyo Itoobiya aan laga hadlin.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News