Cabdiraxmaan Cabdishakuur”Itoobiya nagama dhicin karto qof iyo qabiil lakiin waxaa naga dhicin kara Qaran mideysan”

|

Muqdisho (KAAB TV) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kahadlay talaabadii ey qaaday dowladda Itoobiya ee ku aadaneed arrimaha badda taas oo ay Itoobiya Soomaaliland heshiis kula gashay in 20KM kamid badda laga kireeyo Itoobiya si ay saldhig milateri uga dhisato Itoobiya.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dowladda Somalia waxa uu ugu baaqay in wax laga badelo aragtidii iyo dhaqankii hore islamarkaana ay garowsadaan in maanta ey Somalia ugu baahi badantahay labo arrimood.

1- Waa inaan midoownaa oo aan wadajir noqono aan meel iska dhigno xifaaltanka dhexdeena ah iyo rag iska dhiciska dhexdeena ah.

2- Waa in dadka Qaranka ushaqeeynaaya ama u adeegaya lagu soo xulaa karti iyo howlkarnimo iyadoo meesha laga saaraayo qancinta dadka, iskooxeysiga, iyo qof jecleysiga.

Dhanka kale, Xildhibaan Cabiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu intaasi kudaray” Itoobiya nagama dhicin karto qof iyo qabiil lakiin waxaa naga dhicin kara Qaran mideysan” ayuu hadalkiisa siiraaciyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur hadalkiisa ayaa kusoo beegmaya xili Itoobiya ey qoraal xasaasi ah ey ugu been abuuranayaan xadgudubka ey kula kacday madaxbanaanida Somalia ey udirtay safiirkeeda ufadhiya Qaramada Midoobay.

Ugudambeyn, Itoobiya ayaa waxa ay wali dagaal ugu jirtaa sidii ey bad ugu leheed dalkeeda iyadoona dooneyso iney caalamka ka iibiso xadgudubka ka dhanka ah madaxbanaanida ey kula kacday Somalia islamarkaana ey meelwalbo umareyso sidii ey uxaqiijin leheed hadafkeeda badda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News