Muqdisho (KAAB TV) – Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga joogtada ah ee Aqalka sare Baarlamaanka federaalka Somalia.
Sidoo kale, Ajandaha kulanka ayaa ahaa katashiga arrimaha dib u eegista Dastuurka ayaa waxa uu warbixin kadhageystay xoghayaha guddiga Dastuurka Baaramaanka Somalia Sanatar Siciid Cabdi Xuseen, isagoona sheegay in habraaca mudanayaasha labada gole ey ansixiyeen, eyna udiyaarsanyihiin afarta cutub ee ugu soo horeysa Dastuurka.
Dhanka kale, Guddiga joogtada ah ee Aqalka ayaa waxa ey isku dood iyo falanqeyn kadib in 10 bisha February la guda galo dooda afarta cutub ee ugu horeysa Dastuurka KMG iyagoona ugudambeyn isku waafaqay taasi.
Baarlamaanka Somalia labadiisa gole ayaa Arbacadii lasoo dhaafay meel mariyay habraaca wax kabadalka Dastuurka dalka, iyagoona larajeynaayo in wax kabadal ey kusameeyaan qodobada qaar ee hada qeybta ka ah Dastuurka dalka.
Ugudambeyn, arrimahan oo isbiirsaday ayaa imaanayaan xili dalka ey kajirto xasiloonidaro siyaasadeed oo ay ugu horeyso arrinta badda oo ay Somaliland 20KM kakireysa Itoobiya iyo dagaalka kadhanka Kooxda Al-Shabaab oo wali kusugan qeybo badan oo kamid ah gobolada dalka .

