SO | EN

SO | EN

ARAGTI: Dadweynaha oo ka hadlay dilka haweenka loo geysanayo ee soo badanaya

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa walaac ka muujiyay dilka haweenka loo geysanayo ee soo badanaya beryahan dambe.

Toddobaad gudihiis waxaa la diiwaangaliyay labo dhacdo oo dadweynaha argagax ku reebtay ka dib markii nin uu gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis. Gacan ku dhiiglaha ayaa la sheegay inuu baxsaday.

Dhanka kale, degmada Qoryooley booliska ayaa sheegay inay soo qabteen Saleemaan Xaaji Cali oo lagu eedeeyay inuu dilay ka dibna jarjaray meydka xaaskiisa Fowsiyo Muxsin maalintii Jimcaha ee shalay.

Haddaba dadweynaha Muqdisho ayaan weydiinay sida ay u arkaan dhibaatadan xannuunka badan ee ragga dilka iyo dhibaatada u geysanaya haweenka.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News