ATMIS oo soo gabagabeysay Wijiga labaad ee qorsha dhimista ciidanka howlgalka ATMIS

|

Muqdisho (KAAB TV) – Ciidanka howlgalka Midowga Africa ee ATMIS ayaa iney si guul ah kusoo gaba gabeeyeen qorshaha dhimista wijiga labaad ee ciidanka ATMIS ee ka howlgala gudaha Somalia.

Sidoo kale, Ciidanka ATMIS ayaa sheegay iney kabexeen toddobo saldhig eyna kuwareejiyeen ciidanka xoogga dalka Somalia.

Dhanka kale, warsaxaafadeed ey soo saareen ciidanka ATMIS ayey ku sheegeen in wijiga labaad ee qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee gudaha Somalia looga saarayo ilaa 3000 kun oo askari ah kuwaas oo kabaxay saldhigo badan oo ay kulahaayeen gobolada dalka iyo Muqdisho.

Madaxa Guddiga Midowga Africa Alhadji Sarjoh Bah, ayaa soo gaba-gabeeyay booqasho shaqo oo uu kujoogay gudaha Somalia, isagoona hoggaaminaayay wafdi kasocday waaxda Siyaasada iyo Nabadda oo uu kamid ahaa madax cusub ee loo magacaabay General Cheick Dembele.

Socdaalka wafdigan ayaa aya waxa uu ahaa sidii loo maareen lahaa qaababka loogu wareejinaayo masuuliyada ammniga ATMIS taas oo aan si kala go’ leheen loogu wareejinaayo ciidanka xoogga dalka Somalia.

Ugudambeyn, Wafdigan ayaa dib umilicsi kusameeyay sidii loogu guuleystay wijigii kowaad iyo labaad, iyadoona wijiga saddexaad uu bilaan doono bisha june ee sanadkan kaas oo isna lagu dhimi doono 4,000 oo askari, iyadoona wijiga xiga oo ah midka ugu dambeeya ayaa isna bilaan doono 31December ee 2024.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News