Muqdisho (Kaab TV) – Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaas ka socdo qorshe lagu daad-gureynayo ciidamada Gorgor ee ku sugan gobolka, Gedo kadib amar kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.
Soo celinta ciidamada ayaa aheyd arrin uu hore u dalbaday madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan markii hore u fulin caqabado ka horyimid, sida ay ogaatay (Kaab TV).
Xog ay heshay Caasimada (Kaab TV) ayaa sheegaysa in arrinta uGU weyn ee hortaagneyd soo celinta ciidamadaasi ay aheyd in gaadiidkooda dagaalka lasoo raro iyo inkale.
Madaxweyne Xasan ayaa la sheegaya inuu ciidamada ku sugan gobolka Gedo u doonayo inay ka howl-galaan gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada laga xoreeyay Alshabaab.
Deegaanada laga saaray kooxda Alshabaab ayaa waxa qaarkooda lasoo warinayaa inay ka jirto ciidan yaraan, waana sababta xiligaan keentay in ciidamada dib looga soo celiyo Gedo.
Ciidamadan ku sugan Gedo, siiba magaalooyinka xuduudka Kenya ayaa waxaa halkaasi geeyay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo gobolka aan weli xal loo helin khilaaf siyaasadeedkii uu saldhiga u ahaa Farmaajo ee kala dhaxeeya maamulka Jubbaland.
Arrintan ayaa imaneysa ayada oo xalay gobolka Galgaduud uu dagaal culus ka dhacay, kaasi oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda iyo Alshabaab ciidanka dowlada oo garab ka helaya kuwa dadka deegaanka.
Dagaalka oo ka dhacay duleedka magaalada Wabxo ee gobolkaasi ayaa yimid kadib markii ay ciidamada huwanta weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Alshabaab oo isku uruursanaayey deegaanka Ceelgorof ee gobolkaasi.
Xubnaha kooxda Alshabaab ee la weeraray ayaa lagu soo warramayaa in xilligaasi ay qorsheynayeen inay weeraraan degaanka Goobo oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.