SO | EN

Garaad Jaamac oo si kulul ugu jawaabay Muuse Biixi

|

Muqdisho (Kaab TV) Garaad Jaamac Garaad Cali oo ah Garaadka guud ee deegaannada SSC ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii shalay ee madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo uu ku sheegay in dhibaatada Laascaanood ay ka dambeyso argagixisada caalamiga ah.

Garaad Jaamac ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka Muuse Biixi, isaga oo sheegay in hadalka madaxweynaha uu sii hurinayo dhibaatadii hore u jirtay.

Waan ka xunahay hadalkaa waxaan ka cadaynaynaa in aanay argagixiso ahayn, dadka shiraya ee reer SSC ee ayaahooda ka tashanaya, ayna argagixiso ahayn, dhibaatooyinkii hore ee Muuse iyo maamulkiisu ay dadkan u gaysteen  ayay sii laba jibaaraysao ayuu yiri Garaad Jaamac Garaad Cali.

“Wixii meeshan ka dhaca ee qaraxyo yimaada ee dilal ah in ay tahay wax uu Muuse soo wado, waxaan ognahay in argagixisada iyo isagu isku mid yihiin. Hadhoo ayuu dhiigooda iyo layntooda uu rabo in aduunka uu lacag kaga qaato oo uu yidhaahdo argagixiso meesha joogta oo kusoo duushay.

Sidoo kale waxa uu ciidamada Somaliland ku tilmaamay argagixiso, isaga oo sheegay in aanay jirin argagixiso aan ciidamada maamulka Biixi ahayn oo gobolka joogta, sida uu hadalka u dhigay.

Garaadka ayaa wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in aysan taageerin ciidamada Somaliland, maadama uu sheegay in taageeradii hore ee caalamku siinayay Somaliland ay dhibaato kasoo gaadhay shacabka ku dhaqan gobolada SSC.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News