SO | EN

SO | EN

Wararkii ugu dambeeyay ee shirka ka furmay Muqdisho

|

Muqdisho (Kaab TV) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo dowladda federaalka iyo waddamada dariska, gaar ahaan Kenya, Djibouti iyo Ethiopia, kuwaas oo qayb ka ah dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Shirka ayaa ku furmay heer taliyeyaal ee waddamadan la’isku yiraahdo dalalka safka hore, sida uu shaaciyay Wasiir Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya.

Daa’uud Aweys oo ka warbixiyay kulanka maanta ayaa sheegay inuu hordhac u yahay shir madaxeedkaa beri furmaya, kaas oo ay kasoo qayb-galayaan madaxweynayaal.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirka lagu gorfeeyey wada shaqeynta ciidamada dalalka Soomaaliya, Kenya, Djibouti iyo Ethiopia iyo sidii ay isku kaashan lahaayeen.

Qaybta taliyeyaasha waxaa diiradda lagu saarayey wada shaqeynta iyo iskaashiga iyo in la dajiyo istaraatiijiyd mid ah oo ay leeyihiin ciidamada dalalka safka hore,” ayuu yiri Daa’uud.

Sidoo kale waxaa shirkan oo ay martigelineyso dowladda dhexe ku biiray Wasiirada Gaashaandhigga ee dalalka deriska, loona yaqaano dalalka safka hore.

Dhanka kale shirka beri dhacaya oo uu horkacayo madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu gorfeynayaa dhammeystirka hawlgallada dib u xoreynta ee haatan ka socdo dalka, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee howlgallada ka socda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale dowladdaha federaalka dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ay si hoos iskula eegi doonaan in si wadajir ah looga hortago khatarka Alshabaab, maadaama ay haatan culeys soo saartay caasimada Muqdisho, kadib markii lagu soo jabiyay gobollada.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka muhiimka ah iyo garoonka Aadan Cadde, si loo sugo amniga inta uu socdo shirweynahan.

Dowladda Soomaaliya oo saaka qoraal soo saaray ayaa farriin cudur daar ah u dirtay dadka Soomaaliyeed oo ay ugu baaqday inay dul-qaad muujiyaan labadaan maalin.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay dhanka kale cudur daar ka bixineysaa saameynta tallaabooyinka lagu adkeynayo amniga magaalada Muqdisho oo shirkan martigelinaysa ay ku yeelaneyso dhaqdhaqaaqa iyo nolosha shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, shirweynaha ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ee Ururka Midowga Afrika ayaa ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda Soomaaliya martigeliso, waxaana uu ku soo beegmayaa, ayada oo lasii xoojiyay dagaalka Alshabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News